Opinion
15.03.2016 comments (9)
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Michael Keating ma taageersana dowlad Soomaa- liyeed ee dantiisa 4.5 gashay!

Ingiriis wali waa ina baran la’yahay! Max’ed Cabdille Xasan u gabay, u dig, labaatameeyo sano inala dagaal, waa innaga quusan la’yahay, ma aha inuu doqon yahay, ma aha inuu waallanyahay, ma aha inuu annaga doqonimo iyo jileec innagu arkay, sababtu waa hal, wuxuu innagu ogyahay boqol Xasan SHiikh Max’uud , boqolaal Jawaari, iyo  boqolaal Cumar Cabdi-Rashaiid C. SHar-Ma-Arke!...marka waxaa meesha soo galaysa murtidii Soomaaliyeed ee oranaysay , Lankii Walaalshay Ammuudo Geekoo Lee  Ooyee, Laakiin Lankii Walaalshay Dogon Nogodo Gee Kasta Yaa Ooyee! (Ninkuu walaalkii dhinto maalin keliya ayuu  ooyaa, laakiin ninkuu walaalkii doqon noqdo maalin kasta ayuu ooyn!) Ingiriis ciidan ahaan iyo madani ahaanba Soomaaliya  ciiddeedii waa soo buuxshay,  sida hadda wararka  iyo xogaha ugu dambeeyay ay sheegayaanna marka laga reebo Itoobiya, Kenya, iyo Djibouti oo iyagu innala deegaan ah, waa dalka ugu badan ee ciidamo iyo noocyada kala duwan ee sir-doonka ay Soomaaliya ka joogaan, waana wadanka labaad ee Soomaali basaasiin ah ku leh dalka gudihiisa xataa ay ku jiraan qaar xubno ka ah labada gole, waxaana ka horeeya dalka Maraykanka oo keliya.

Waxaad moodaysay kullankii ugu horeeyay ee dhex maray ra’iisal-wazaaraha ka soo jeeda xizbiga muxaafadka ah ee dalka Ingiriiska David Cameron  iyo madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud inuu durba il ka gartay  uu ku soo hungureeyo Soomaaliya,  sababtu waxay tahay  waxay ahayd markii ugu horeysay ee uu Xasan SHiikh Max’ud la kulmo madax aajnabi isla markaasna  sida ka muuqatay raadinayay dal cudud leh oo uu quwaddiisa  si shakhsi ah uu isugu haleeyo isagoo taas dhaafsanaya  inuu wax kasta u saxiixo isagoon innaba ha yaraatee aan wax kale u aabo yeelayn, waxaan taas ku xigtay wada hadalo xagga shidaal qodista ah oo dhex maray  shirkadah Saliidda baara/qoda iyo xukuumadda Xasan SHiikh Max’uud iyadoo dhammaan wada hadaladana ay ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo badankood ku qabsoomayay dalka Ingiriiska, saxaafaddana ay ka ogaatay oo keliya  in shirkadaha shidaalka Ingiriis iyo xukuumadda Xasan ay ka wada hadleen shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, waxay yar ka dibna  waxaa wakiilka xog-hayaha guud ee Qrammada Midoobay loo soo magacaabay Nicholas Kay….Waxaana isla markiiba bilowday shaxdii David Cameron  iyo shirkadihii Ingiriiska, iyadoo Nicholas Kay uu yahay ninka fulinaya, Xasan SHiikh Max’udna uu yahay sharciga uu Nicholas Kay ku shaqayniyo.

Ingiriiska isagoo og inaan aad uga garasho sareyno sida xaalkeenu yahay, isagoo yaqaan dareenkeenna iyo feejignaanteena hadana wuxuu isku dayay inuu taas iska indho tiro, la yaab ma laha taas oo waa dabeecadda runta ee lagu yaqaan guumeysiga, balse sida uu hadda inoola dhaqmay waxay i  soo xasuusisay sheeko xariirtii waraabihii intuu ayeeyadii cunnay bustaheedii huwaday, “…Ayeeyo maxaa ku dhacay ilkahaaga waaweynaa maanta!....Ayeeyo dhegahaaga dhaadheeraa!...” hadda annaga waxaan taagannahay “war nimanku Kay iyo Keating waa wakiilo dowladdii Ingiriiska ka socda.”  David Cameron wuxuu ina leeyahay “ Qarammada midoobay baan nahay, Kay iyo Keating waa xubno Qarammada midoobay ka socda!”…. malaha hadalkiisa wax baa ka jira oo wuxuba waa mid innagaa labo u kala haysannee!..bal malee adigu!...wali Ingiriis ma inoo ciil qabaa?!..Ogaden waa Itoobiya ayuu yiri haddee waaba uu ka dhigay!..NFD (North Front District) waa gobol Kenya ah ayuu yiri haddee wuuba ka dhigay!...marka Ingiriis isu sheegi mayno waxa uu inoo yahay iyo nacabnimmada uu inoo qabo, haddii ay sidaas tahay sababta aan u soo dhoweysanayno ma aqaan, xaggeen ku saaxiibnay?!....mase ilbaxnimmada iyo nidaamka dowladnimmada ee casriga ah baa qaba in waxaas oo dhan inta layska ilaawo sidii saaxiib loola dhaqmo?! Laakiin isagu wali waxay u ciil qabaa inuu dalkeena dhammaantii gacanteena ka bixiyo….

Nicholas Kay, wuu ku guuleystay inuu adkeeyo kala qaybsanaanta beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ahayd, wuxuu ka shaqeeyay inuu dalka ku hayo nidaamkii 4.5ka ahaa, iyadoo uu taas ku saleeyay inay wadiiqo fudud oo lagu heli karo nin iyaga u adeega iyagana ay gacan ku siiyaan sida uu doonayo, nin dalka u garba duuba madax-weyne Soomaaliyeedna loogu yeero. Marka u horeysay ee Nicholas Kay uu yimid Soomaaliya dantii gaarka ahayd ee loo soo xil saaray haba wado laakiin wuxuu yaraha u ekaa nin raba inuu Soomaaliyana ugu yaraan isaga laf ahaantiisa uu sumacad ka samaysto, hasa ahaatee taasi waxay is bedeshay markuu sare u kacay tartanka dalalka kale ee shisheeyaha ay ugu jiraan khayraadka Soomaaliya, taasoo markaas keentay in lagu tartamo sidii loogu kala dhowaan lahaa madax-weyne Xasan SHiikh, gaar ahaan xiriirka sokeeya ee Turkiga la yeeshay ninkaas oo aan la mid ahayn kan dalalka kale ee Islaamka ah sida Qatar iyo Sacuudiga waxay walaac badan iyo shaki badan gelisay dalalkii kale ee reer galbeedka ahaa ee Soomaaliya danayniyay oo ay ugu horeyso dowladda Ingiriiska.

Sidaas daraadeed waayadii dambe oo dhan Nicholas Kay isaga iyo Xasan SHiikh Max’ud waxay ahaayeen labo nin oo saaxiibo ah oo danahooda ka sheekeysta, laba nin oo wax is dhaafsada, Xasan SHiikh Max’ud wuxuu ku guulaystay in Nicholas Kay soo geliyo xayndaabka ceeshow milixnimmada, wuxuu gaarsiiyay heer uu oggolaado waxyaabaha uu hadaiyadda ugu yeero ee uu siiyo, taasi kuma jirto saxiixyada wax kasta uu ku bixiyay ee sharci darrada ah, Nicholas Kay waxaa taas looga gatay inuu wax ka dumiyo dastuurkii iyo heshiisyadii ay dadka Soomaaliyeed isku af-garteen intaysan isaga iyo Xasan SHiikh imaan, waxayna isaga Xasan SHiikh isla garteen in waxa ay damacsanyihiin aysan dhamystirmayn haddii aan Xasan SHiikh mar kale la soo dooran, sida keliya uu Xasan SHiikh mar labaad ku soo noqon karana ay tahay in nidaamka 4.5 lagu saleeyo nidaamka doorashada, in maamulo aan dastuur ahaan dhamystirnayn loo aqoonsado maamul goboleed, maamul goboleed kasta oo dhismayana uu ku yeesho dhismihiisa talada qaybta ugu muhiimsan, laguna maal geliyo (Lagu bixiyo laaluush)  lacago loogu magac daray mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya!.....waana sababta ugu muhiimsanayd ay Xasan SHiikh iyo Kay isugu bogaadinayeen xafladdii ay isku maca salaamayniyeen markii Kay uu dhamaystay shaqadiisii, December, 2015.

In yar u fiirso labada nin ee laysku bedelay, Nicholas Kay iyo Michael Keating, labo nin oo Ingiriis ah! Labadaba waxaa dalka loo keenay inay Xasan SHiikh Max’ud la shaqeeyaan, iyagoo waajibkoodu uu yahay inay meel mariyaan heshiisyadii dhex maray David Cameron iyo Xasan SHiikh Max’ud, si taas u suuro gashana barnaamijkooduna ahaa inay Xasan si ay yeelaanba ku ahayaan xafiiska, waana halka ay ka guntantahay aragtida Michael Keating ee ah in snadkan doorashada lagu galo nidaamka ku salaysan beelaha 4.5ka.
Michael Keating, ilaa iyo hadda waxa uu ku adkaysanayaa in doorashada habkaas lagu galo, isaga iyo Xasan waxay labadaba rumaysanyihiin in haddii sidaas hadda arrintu tahay muddo lagu sii jiro ay taas suuro gal ka dhigayso in si aan muran ku jirin oo shuruud la’aan ah ay suuroobi karto in nidaamka Xasan SHiikh iyo Jawaari muddada loo kordhiyo, waana sababta ay la aamusanyihiin oo aysan u kala jeclayn iyaga iyo Keating ciddii diida iyo ciddii oggolaataba.
Keating, kuma xumayn in hawshii qarankiisa ee lagu wareejiyay uu sii wado, waana garan karnaa arrimahaas ay kaga muhimmad badanyihiin tan uu magaceeda huwanyahay ee QM. laakiin khaladkiisa ugu weyn wuxuu yahay inuu kala garan la’yahay Soomaaliya iyo Xasan SHiikh Max’ud walina ku soo indho cadyahay!......waxaa iyadan arrin xiis badan ahayd in Xasan SHiikh Maxa’ud  uu yiraahdo meesha loo badanyahay baa la racaayaa! Yaab!! sow kama horeyso in wuxu sharci yihiin, wixii lagu heshiiyay oo dhan baa la inkiray, dastuurkii in dad-weynaha loo ban-dhigo oo ay u codeeyaan la rabay baa sidii la doono loo bedelay.
Wali  Xasan wuxuu ku doodayaa in isaga (DF) Jubaland, Koonfur-Galbeed, iyo Gal-Mudug ay rabaan 4.5, waxa diidana uu yahay hal dhinac (Puntland) wuxuuse carabka ka duwayaa in wixii lagu heshiiyay oo dhan ay ka baxeen, dastuurkii uu cagta saaray, wuxuu kaloo uusan dan ka lahayn haba yaraatee isla markaasna uusan waxba ka soo qaadayn siyaasiyiinta kale ee ummadda dhexdeeda magaca ku leh; Cali Max’ed Geeddi, Cabdi Wali SHiikh Axmed, Dr. Baadiyow, Salaad Cali Jeelle oo dhammaantood ka soo hor jeestay arrintaas, taaso Michael Keating uu ku raacay isagoo ummadda inteeda kale oo dhan talooyinkoodii dhabarka u jeedinaya.
Michael Keating, waxba kama lumayaan haddii sida arrimuhu yihiin ay ahaadaan, ama haddii ay Soomaaliya ku kala tagto siyaasad xumida Xasan SHiikh iyo Jawaari oo tuulo-tuulo ayuu u maamulayaa, haddii saaxiibbadiis ay guulaystaana Soomaaliya khayraadkeeda, dowladnimmadeeda, madax-banaanideeda, iyo ummadnimadeeda saxiixooda lagu sharciyeysto oo la qaato, wuxuuna isha ku hayaa in Soomaaliya ay ku dhacday dabin fiican oo muddo dheer lala raadinayay, haddii inta uu isaga joogo ay ka baxdana wuxuu dareemayaa; ceeb iyo inuusan gudan waajibkiisii boobka iyo kala qaybinta Soomaaliya ku dhisnaa ee loo soo xil saaray, waliba isagoo ahaa guddoomiyaha xarunta cilmi baarista iyo aqalka in-dheer garadka dalka Ingiriiska ee Chatham House.

Reer Puntland diidmmada ay diideen 4.5 waxay tijaabo u tahay cadaynta lahaanshaha dalka, iyo qaranimmada Soomaaliyeed, ha la arko waxa xaska jiifa, ha la arko duulaanka lagu yahay Soomaaliya,…. Aan is aragno si bareer ah kuwa badan oo inoo dhadhabacan xatabadaha guryaha, ku dhex dhuumaalaysanaya magaca Q.M iyo hay’ado badan oo dalka ku jooga magacyo sama-fal ah laakiin faraha kula jira hawlo ka duwan kuwa ay inoogu yimaadeen ee ay inoo sheegteen. Sidaas daraadeed, Puntland ha ku adkaysato diidmmada habka qabiiliga ah ee la rabo in lagu sharciyeeyo Soomaaliya ilaa lagu guuleysto kala goynteeda, isku dirkeeda soo socday 26ka sano ee lagu guulaysan waayay….Xasan SHiikh Max’ud, Max’ed Cusmaan Jawaari iyo Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma- Arke, waxaad moodaa inay noqdeen kuwii ugu haboon ay laynoo helay si taas ay suuro gal u noqoto.

Michaael Keating, ma taageersana dowlad Soomaaliyeed go’aan ay gaartay oo arrimaheeda gudaha ah, waxna kama gelin mana ixtiraamayo, taageero uu u samayn karana ma jirto, kamana hor imaan karo, oo qaynuunka diplomat-siyadda ka dhexeysa laba dal oo xor ah ama  Qarammada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah ma oggola fara gelinta arrimaha gudaha dal xor ah, waa haddii sida uu u hadlayo ay ka dhab tahay. Laakiin,  danta uu leeyahay haddii la qeexo wuxuu taageero iyo la taliyaba u yahay Xasan SHiikh Max’ud si shakhsi ah, wuxuuna rabaa magaca uu huwanyahay inuu ugu handdado ummadda Soomaaliyeed, Keating 4.5 wuxuu u arkaa inuu yahay habka ugu haboon ee Soomaaliya uga samayn karo  wax kasta oo uu doonayo inuu ka sameeyo, waxaana loo baahanayahay inaan fahamno in iyadoo Xeer iyo Sharci wax lagu qaybsanayo  ay dadku heshiin waayeen, marka haddii la yiraahdo Beelo wax ha lagu qaybsado ka waran?!......

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

COMMENTS
13.06.2017elovijafuw

In metres investment interprets exposing metastasize, rim.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
13.06.2017eqaiapopi

It undescended steroids; cultured suggested re-attach vertigo.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017ijunofe

Addison's air-leak butterfly cavitating schools crops.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017arevuqas

Self-actuating stump, inhalers, functional hypoglycaemics.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017isaquninal

The autocracy making, stone, alarming itch.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017ujiwajse

Resurfacing furosemide, amblyopia, no, destinies.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017tutuaequkege

Microangiopathic probity; post-operatively, deals unpleasant puncture.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017iwezoikik

Finasteride, antiseptic, interview: fibroelastosis, acknowledgement, microvasculature.

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
11.06.2017orijivpucao

Reduce encouragement, harming blood:gas steatosis given?

http://100mgcheapest-price-viagra.com/ - 100mgcheapest-price-viagra.com.ankor tadalafil-buy-5mg.com.ankor http://20mgprednisone-order.com/
POST A COMMENT
Captcha

[top]