News
Muqdisho

Muqdisho

Howlo loogu gurmanayo Markab uu dab qabsaday oo ka socda Dekeda Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan abaabul xoog leh oo loogu gurmanayo markab haatan ku ololayo meel u dhaxeysa xeebaha Barawe iyo Mogdishu kaasoo uu dab ka kacay.


Saraakiisha Dekeda ayaa sheegay in ay soo gaartay saakay aroortii qeyla dhaanta markabkaasi oo sida la sheegay kasoo shiraacday xeebaha magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka carabta.


Doonyo kala duwan ayaa haatan lagu diyaariyey xeebta Dekeda Muqdisho kuwaas oo la saaray ciidamo gurmad ah iyo sidoo kale gujisyada ciidamada AMISOM ee jooga xeebta si la isugu dayo in bad baadiyo markabka gubanaya.


Lama oga waxyaabaha saaran markabka laakin waxaa la sheegay in markabka uu wado badeeco ay leeyihiin ganacsatada magaalada Muqdisho waxaana lagu waday in uu kusoo xirto Dekada Muqdisho.

 


COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]