Sport
London

London

Tottenham oo amaah ku heshay Gudjohnsen


Naadiga Tottenham ee ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Britain ayaa amaah ku heshay xidiga dalka Iceland ninka la yiraahd Eidur Gudjohnsen marki uu ogolaaday in uu ku soo laabto horyaalka England.


Laacibkan 31 jirka ah ayaa la joogi doona kooxda Tottenham inta ka harsan xilli ciyaareedkan waxaana uu maray Khamiistii lasoo dhaafay tijaabada caafimaadka ee kooxdiisa cusub.


Ciyaaryahan Gudjohnsen oo kasoo jeeeda dalka Iceland ayaa waxaa taageero u ah macallinka Tottenham Harry Redknapp oo la dhacsan xirfada ciyaaryahankan oo ah nin awood u leh uu ka ciyaaro boos kastaa oo la geeyo.


Kooxda West Ham ayaa qarka u saarneyd asbuucii hore in ay lasoo wareegto hase yeeshee isaga ayaa doortay kooxda Tottenham sida ay sheegtay warbaahinta dalka Ingiriiska.

 
Gudjohnsen ayaa si weyn wax uga yaqaano horyaalka Premier League dalka Ingiriiska isaga oo kula guuleystay laba jeer kooxda Chelsea sanadihii 2005 and 2006,sidoo kale kooxda Barcelona ayuu ka caawiyey guulihii cuslaa ee ay soo hoysay sanadi 2009.


       Kala soco DunidaOnline warar sugan
             by mohamed kassem dhagnas



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]