Golaha Guurtida Somaliland oo in muddo ah oo khilaaf ka dhexeeyey
aan fadhi yeelan, ayaa saaka markii ugu horeysay fadhi isugu yimi,
waxaana Fadhiga saaka ka soo xaadiray 61 Xildhibaan oo Guurtida ka
tirsan. waxaana Fadhigaasi ku furmay jawi degan, hase ahaatee, waxa uu
jawigaasi is bedalay ka dib markii Warqad la sheegay inuu Guddoomiye
ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi ku dalbanayo iscasilaaddiisa loo
gudbiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, kaasoo u sii gudbiyey Guddoomiye
Saleebaan, waxaanay warqadaasi ku dhalisay labada Guddoomiye ee kale
inay cabbaar ku mashquulaan u fiirsigeeda iyo akhriskeeda, ka dibna
waxa uu Saleebaan-gaal ku dhawaaqay in Warqadda Shirgudoon ahaan loo
soo gudbiyey ay mashquul ku dhalisay, tahayna mid Golaha u taalla
arrinteedu, balse inta layska arkayo fadhiga maanta xidhan yahay, ayuu
ku dhawaaqay Saleebaan.
Warqaddan fadhigii Golaha kala kicisay, oo aan illaa hadda si
rasmiya loo caddaynin nuxurka qoraalkeeda, ayaa la sheegay in
Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Guurtidu ku dalbaday in laga aqbalo
iscasilaad uu iska casilay xilkii Guddoomiye ku-xigeennimo iyo
xubinnimo ee Guurtida. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida
Saleebaan-gaal oo arrintaa warqadda iyo nuxurka ay xambaarsanayd
Warbaahintu wax ka waydiisay ayaa ka kaabsaday inuu wax faahfaahin ah
ka bixiyo macluumaadka ay waraaqdaasi xambaarsanayd. "Arrintani waa
arrin Golaha u taalla, Goluhuna wuu iska arkayaa, wax war ah oo aad
saaka Saxaafad ahaan iga helaysaanna ma jiro." sidaa ayuu yidhi
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan
(Saleebaan-gaal).
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ku-xigeenka la sheegay inuu iscasilay
Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ayaanu isagana wax ka waydiinay waxa ka
jira wararka sheegaya inuu iscasilay iyo ujeeddada warqadda uu
Shirguddoonka kale u gudbiyay. Balse wuu ka warwareegay inuu iftiimiyo
ujeeddada qoraalka uu Guddoomiyaha u gudbiyey, isla markaana waxa uu si
kooban u yidhi. "Warqaddaad i waydiinaysaaan waxa ku qoran Saleebaan
baa haya ee waydiiya."
Si kastaba ha ahaatee, iscasilaadda Sheekh Nuux, waxay ku noqotay
Xubnaha kale ee Shirgudoonka iyo Xildhibaanadaba mid aanay filayn oo
fajiciso ku ah, inkasta oo qaar ka mid ah Xildhibaanadu soo
dhawaynayaan iscasilaadaas, oo la sheegay inay u ololaynayaan sidii
Saleebaan-gaal iyo Golaha intiisa kaleba uga aqbali lahaayeen
iscasilaadda ku-xigeenka koobaad ee Guurtida.
Kala soco DunidaOnline warar sugan
by cabdirisaq cooj




























