News
laascaanood

laascaanood

Isgaadhsiinta magaalada laascaanood oo go'an maalintaa Sedexaad

Isgaadhsinta Magaalada laascaanood ayaa go,an Maalintii sedexaad, waxaana si xawliya ugu socda magaalada baadhitaan xoogan oo ay wadaan ciidamada Amaanka iyo weliba bandow habeenkii fiidka hore lagu soo rogay magaaladaasi.


 

Tan iyo intii ka danbeysey qaraxii lala beegsadey gudoomiyihii gobolka Sool mudane Farax Askar Xuseen 4 maalmood ka hor waxaa isa soo taraya hawlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ee magaaladaasi iyagoo baadhitaan  ka wada guryaha iyo meel kasta oo ay ka shakiyaan.

   


Sababta loo xidhey isgaadhsiinta gaar ahaana mobilka ayaa la sheegey in laga cabsi qabo qaraxyo kale oo ka dhaca magaaladaasi, ka dib markii la xaqiijiyey in si weyn mobile-ka loogu isticmaalo nidaamka wax qarxinta.

 


Waxaana magaaladaasi ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyey wafti sare oo ay ka mid yihiin Wasiirada gaashaandhiga  Arimaha gudaha, Wasiirul-dawlayaal iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo kicitimey magaalada Hargeysa.

 
Dhankale dadka Soomaaliyeed ee badi ka soo bara kacey koonfurta Soomalaiya iyo gobolda dagaaladu aafeeyeen oo ganacsi xoog leh iyo deegaanba ku leh magaalada Laascaanood ayaa lagu amrey in ay gabi ahaanba kaga urursadaan alaabtooda magaalada Laascaanood Mudo 5 maalmooda waxaana maata u hadhsan 2 maalmood  shacabka magaaladaasi ayaa aad ugu xumaadey go,aanka maamulka gobolkaasi oo ka amar qaata maamulka Soomaaliland.



Kala soco dunidaonline warar sugan



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]