Dagaal qaraar ayaa xalay ka dhacay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gado kaasi oo u dhaxeeya Xarkada Al Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay weerar soo qaadeen ciidamada Ahlu
sunah kuwaasi oo horay degmada B/Xaawo looga ciiriyay islamarkaan ku
sugnaayeen afaafka hore degmadaasi si ay u hantaan degmdaasi.
Dagaalka oo ahaa mud culus ayaa bilowday xalay saqdii dhexe waxaa uu
socday in ka badan labo saacadooda ,kaasi oo geestay dhimashada hal
ruux oo rayid ah kaasi oo rasaasta gurigiisa ugu tagtay halka labo
kalana ay ku dhaawacmeen oo ahaa dad rayid ah.
Gudoomiyaha culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee G/ Gado Sheikh C/naasir
Ansari ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna weerar culus xalay
ay ku qaadeen fariismo ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ku lee yihiin
gudaha Beled Xaawo.
" Waa Mahad Alle jabkii aan ku ridnay kuwa lamagac baxay Shabab waayo
ciidamada Ahlu Sunna saacad kaamil ah ayee ka dhax dagaalameen gudaha
degmada B/xaawo taasi oo suurta galisay in ay cararaan Ciidamadii ku
soo duulay degmada B/Xawo " Al-Ansaari.
Majirto ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Al-shabab
ee Gobalka Gedo kaasi oo ku saabsan dagaalada ay sheegteen ahlu Sunah
in ay halay ku qaadeen degmada B/Xawo.
Degmada B/Xaawo ee G/Gedo waxa ay ku taalaa xadka Somaliya ay la
wadaagto Kenya halkaasi oo Xarakada Al-shabab gacanta ku dhigaty
Horaantiii Sanadkani markii ay kala wareegaty Ururka X.Islaam.




























