Politics
Muqdisho

Muqdisho

Mudanayaal Baarlamaanka TFG-da ka mid ah oo caanbaareeyay Madaxweyne Shariif

Maalin kadib dabaal dagii Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Shariif ayaa waxaa canbaareen kulul dusha uga tuuray Madaxwaynaha, ku dhawaad 60-Xildhibaan oo ku kulmay magaalada Muqdisho.


Xildhibaanada ayaa  ku eedeeyey Madaxdaxweynaha ineysan jirin wax uu qabtay mudadii halka sano aheyd ee ka soo wareegtay markii loo duurtay in uu hogaamiyo umada iyo dalka Soomaaliya.
 


Xildhibaan Maxamed Dhaqane oo ka mid ahaa Xildhibanadii Canbaareeyay Madaxa Dowlada ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay tahay tan ugu nasiibka wanaagsan marka loo eego xukuumadihii ka horeeyey maadaama ay taageero ka heshay beesha caalamka balse ay madaxda dowladu dayacday fursadaasi.


Mudnayaasha ayaa ku tilmamaay dowlada madaxweyne Shariif "dowladii Safarada"" eraygan oo ay isicmalayeen xildhibanada inta ay kulanka ku jireen kuwaasi oo cara fara badan ka muqatay mada uu madaxweynaha dabaal dagay.


Eedeenta ugu weyn ee loo soo jeedayay Madaxweynaha iyo Ra
isul wasaaraha ayaa ahayd in ay ka bixi la’yihiin safaro aan dhamaad laheyn iyo xilka qaadis, taas oo sababatay in cadowga ay qabsadaan dhulal badan oo xataa ay ku soo dhawaadeen qasriga Madaxtooyada.


Muadane Dhaqane ayaa ku tilmaamy dowlada mid fadhiid ah, madama ay haatan ka taliso uu yiri saddex xaafadood oo kaliya marka waxaan leeyahay Madaxweynaha hadaadan waxba qaban karin meesha isaga tag.


Dhanka kale waxa ay xuseen dowlada Shariif in ay qasaaro balaaran geesatay iska daa in ay wax qabataye, kuwaasi oo tilmaamay in dowlada meelo badan oo ay haysatay ay hadda gacanta ugu jirrin sida Kaaraan, Yaaqshiid, C/casiis, Shibis iyo gobalka Bay, haddana waxay ku soo uruurtay 3 xaafadood iyo jidka Maka Al mukarama .


Si kastaba ha ahaato kulanka Xildhibanadani ayaa ku soo beegmay xili uu Madaxweynaha u damaashaaday maalin ka hor Sanad guuradiisa koowaad ee xukunkiisa, dabaal degaasi oo uu ka sheegay in uu wax badan dalka ka qabtay mudadii uu kursiga ku fadhiyay.



Kala soco dunidaonline warar sugan



 

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]