Ciidamada Midowga Africa ee howlgalka ka wada Somalia AMISOM ayaa maanta soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al Shabaab oo ay qabteen mudo iminka laga joogo 3 bilood.
Shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay Afhayeenka AMISOM Major Brigiye Bohuko xarunta caafimaadka AMISOM ay ku leeyihiin Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayuu ku faah faahiyey waqtiga ay qabteen iyo sida ay ula dhaqmeen wiilkan dhaawaca ah.
Wxuuu sheegay in Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Maxmuud Isaaq da,diisana lagu qiyaasay 25 ay ka qabteen 18 bishii Otober ee sanadki hore wadada Shaqaalaha markaas oo ay Al Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen fariisinka ay AMISOM ku leeyihiin halkaasi.
Mr Bohuko ayaa sheegay in wiilkan ay qabteen isaga oo qaba dhaawac halis ah badibna ay daweeyeen mudadi ay hayeen isaga oo dhaawaca soo gaaray dartiina laga gooyey lugta bidixda ah.
"Sida aad u jeedaan wiilkan fadhiya dhinaceyga bidix waxaa uu ka tirsanaa Al Shabaab waxaan ku qabanay dagaal ay nagu soo qaadeen 18 Oct 2009,waa qof nasiib leh maxaa yeelay laba kale oo la socotay weey dhinteen"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in mudadi ay hayeen aysan ula dhaqmin sida qof maxbuus ah balse ay ula dhaqmeen sida qof bukaan ah oo kale isaga oo intaasi ku daray in ay ku wareejin doonaan dowlada KMG Somalia.
Waa marki ugu horeysay oo ay AMISOM saxaafada usoo bandhigaan dagaal yahan ka tirsan Al Shabaab oo ay u qabteen dagaal.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























