News
Dhuusomareeb

Dhuusomareeb

Ahlu Sunna oo Dhuusomareeb kusoo bandhigay waxyaabaha qarxa.

Ahlu Sunna-da Dhuuso Mareeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta meel fagaara ah dadka ku tusisay wiil ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay Al Shabaab iyo walxaha qarxa oo sida ay sheegeen lagu soo qabtay isaga.


Kulan ay maanta kasoo qeyb galeen waxgaradka,odayaasha,saraakiisha Ahlu Sunna iyo qaar badan oo ka mid ah dadweynaha reer Dhuusomareebeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay walxo qarxa iyo wiil dhalinyara ah oo ka badbaaday rasaas dishay saaxibadii oo 23-ki bishan lagu qabtay duleedka Dhuusomareeb.


Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh C/llaahi Abu Yusuf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed C/raxman Axmed la soo qabtay isaga oo wata walxaha qarxa isaga iyo laba kale,hase yeeshee waxaa dhintay buu yiri labadi kale ee la socotay mari ay rasaas is weydaarteen maleeshiyada Ahlu Sunna ee ilaalisa Dhuuso-mareeb.


Abu Yusuf wuxuu sheegay in ay la tiigsan doonaan maxkamad kadibna lagu qaadi doono waxa ay ku xakunto maxkmada wiilka dhalinyara ah. Wuxuu ku eedeeyey in ay Al Shabaab ay ka danbeysay waxa uu ugu yeeray dhagartaasi fashilantay isaga oo ku tilmaamay walxaha qarxa in lagu laayn ribay shacabka ku dhaqan Magaalada Dhuusomareeb.





COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]