Xulka Masaarida ayaa makii sedexaad oo xidhiidh ah ku guuleystey Koobka qaramada afrika,kadib markii ay caawa ciyaar xiise leh oo ka dhacdey caasimada Angola ay 1-0 ugu xoog sheegteen wadanka Ghana.
Ciyaaryahan Maxamed Gedo oo badal ku soo galey qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kubad habeysan ku hubsadey shabqa goolka Ghana xili lix daqiiqo oo kaliya ay hadhsantey waqtiaga rasmiga ee ciyaarta.
Wadanka Masar ayaa sii adkeystey hogaanka koobka qaarada afrika isgoo 7 jeer ku guuleystey koobka qaarada afrika ,wadanka masar ayaa si weyn looga daawanayey ciyaartan ilaa haatan ay ka socdaan damaashaad iyo farxad.




























