News
Muqdisho

Muqdisho

Qasaaraha madaafiic shalay lagu garaacay Suuqa Xoolaha oo sii korortay

Waxaa sii kordhay qasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeymo ay ciidamada AMISOM shalay la beegsatay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Madaafiicdaasi oo ahaa kuwo aysan filyen dadka ayaa inteeda badan waxa ay ku dhaceen xaafada Suuqa Xoolaha oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay haatan ku noolyihiin dadka reer Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada madaafiicdaasi ayaa ahaa bartilmaameed laakin sida muuqato waxay laayeen dad rayid ah oo qaarkood ku sugnaa guryahooda halka kuwo kalana ay haleeshay geerida iyaga oo ku sugan suuqa.

Dadki ku dhaawacmay ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 55 ruux oo qaarkood la geeyey cisbitaalada saakay maadaama habeenkii aanan loo kala gudbi karin xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho.

Shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa sheegay in dadka ay soo qaadeen ee dhaawaca ahaa badankood ay ahaayeen dadka xaafadaha Suuqa Xoolaha,Hurwaa iyo xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Duqeynti shalay ayaa aheyd tii ugu horeysay oo ceynkeeda oo kale ah lala eegto Suuqa Xoolaha mudo ka badan hal sano.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]