News
Baladweyne

Baladweyne

Diyaarado Dagaalka oo xalay dul wareegayey magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay magaalada ay dul heehaabayeen diyaarado isugu jira noocyada kala duwan ee dagaalka kuwaas oo qal qal ku abuuray dadka reer Baladweyne.


Diyaaradahan ayaa waxa ay u badnaayeen kuwa u kaca qumaatiga ee loo yaqaano Helacopters waxaana ay mararka kusoo dhawaanayeen hawada magaalada sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka oo saakay la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho.


"Waxaan la hurdi weynay guuxa diyaarada AC130 oo xalay oo dhan nagu dul wareegeysay aad ayaan uga argagaxnay runtii,waxaa mararka qaar la maqlayey diyaarado kale oo joog hoose ku socda sida kuwa qumaatiga u kaca oo si xowli ah ku marayey hawada,aad ayaan uga walaacsannahay"sidaa waxaa yiri Axmed Daahir oo ka mid ah dadka ku nool xaafada Buundo Weyn ee magaalada Baladweyn.


Diyaaradahan ayaa kusoo noq noqanyey hawada magaalada tan iyo marki ay islaamiyiinta la wareegeen gacan ku heynta magaalada asbuucii hore,waxaase si aad ah ay usoo bateen xalay iyaga oo hawada magaalada ku jiray ilaa iyo saakay salaadi subax.


Magaalada B/weyne waxaa haatan ka arrimiya Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo magaalada kala wareegay ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]