News
Muqdisho

Muqdisho

Wariye ka tirsanaa Universal TV oo Afhayeenka gobolka Banaadir loo magacaabay


Maamulka gobolka banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu magacaabay Afhayeen cusub oo uu yeelanayo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ay u magacaabeen nin wariye ahaa oo ka soo shaqeeyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee magaalada Muqdisho.


Xogahayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in maamulkooda oo dhisan muddo saddex bilood kaliya uu go'aansaday inuu magacaabo Afhayeen, kaasoo ay u xusheen Maxamed C/laahi Cabdi (Cariig) oo ka mid ahaa suxufiyiinta Muqdisho.


C/kaafi ayaa sheegay in maamulkooda uu mar hore ku tala jiray inuu magacaabo Afhayeen, waxaana uu sheegay in afhayeenimada ay u xuleen shaqsiga saxaafada garanaya sidaas ay isugu raaceen in ay u magacaabaan Maxamed C/laahi Cariig sida uu hadalka u dhigay.


Afhayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariig ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka loo magacaabay, isagoo sheegay in dad horay u soo ahaa ay u dhinteen xilkaas.


Maxamed C/laahi Cariig ayaa horay uga soo shaqeeyay Idaacadaha Horn-Afrik, Telefishinka Universal, iyo Horn Cable iyo Idaacado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn sida xilligan uga soo bixi karo howshiisa, iyadoo dowladda ay kaga sugan tahay Caasimada qeyb yar.


Si kastaba ha ahaatee magacaabistan loo magacaabay Cariig ayaa ku soo beegmeysa, xilli afhayeenadii hore gobolka banaadir Maxamed Muxiyadiin Cali iyo Cabaas Galeyr lagu dilay magaalada Muqdisho, iyagoo xilkaas ku magacawnaa.



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]