News
Muqdisho

Muqdisho

Xasan Dahir oo ku tilamay xarakada Al-Shabab dad bilaa diin ah

Sheekh Xasan Dahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa goor dhow sheegay in ay Al-Shabab ku xad kudbeen Kooxdiisa madama uu ku biiray Xasan turki kooxda Al-Shabab .

Hogaamiyaha Mucaaradka Aweys ayaa si xun u weeray Xarakada Al-Shabab oo uu ku tilmaamay kuwo aan diinta iyo balantaba aqoon kadib markii ay jibiyeen xeer hoosaatkii labada Koox .

Wadaadkani wuu qirtay in Sheekh Xasan Turki iyo ciidan fara badan oo katirsana Ururka X.Islaam in ay la midoobeen Al-Shabab .waxa uuna raaciya hadalkiisa in tilaabadani ay ka danbeeyeen Shaqsiyaad uu ku tilmaamay calooshood u shaqeestayaal .

“Ilaah baa mahad leh intaa kadib waxaan ka hadlayaa maanta qaladadka Xarakada Al-shabab oo sii saa'iday malmahan waxa ay bilaaben in ay buriyaan sharcigii na dhexyaalay waxaana ku tilmamaya xarakadaasi in ay tahay manata kadib cadowgeena koowaad " Sheekh Xasan .

Wadaad ayaa manatay ku libisnaa dareska Militariga oo looga baran waxa uuna ku hadlayay Erayo keeni kara isku dhac deg kaasi oo u dhaxeeya Asiga iyo kooxda Al-Shabab oo ah awooda kaliye ee ka soo horjeeda dowlada TFG-da


Ugu danbeentii wadaadka waxa uu fartiin u diray Madaxda Sare ee Al-Shabab si ay uga jawaabeen qodabadii ay ka tilaabsadeen ee u dhaxeeyay ururkiisa iyo Saraakiisha Shabab ,lama ogo xaqiiqdii hadalka Mr Aweys waxa uu dhalin doono .


COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]