News
Muqdisho

Muqdisho

Faah faahin ku saabsan dabkii xalay qabsaday Suuqa Bakaaraha

Ganacsadada suuqa bakaaraha ayaa sheegaya in ay ku guuleesteyn daminta dabkii xalay baabai'iyay qeebo ka mid ah suuqa Bakaaraha kaasi oo ah isha dhaqaalaha Somaliya qaasatan caasimada Muqdisho.


Majirto dhimasho ama dhaawac uu dhaliyay dabki xalay mar qura ka kacay Suuqa Weyen ee Bakaara   Abaarihii 7-fiidnimo ee saacada geeska Afrika kasi oo geestay qasaaro badan oo ay u badnayeen Shidaal.


 Dabkaas ayaa waraka qaar sheegayaan in uu ka kacay burjiko dab looga tagay, hase ahaatee majiraan warar sugan oo xaqiijinayana sababta dhabta ah ee uu dabku ka kacay.


Axmed Xasan oo kamid ah dadkii xalay hantidooda ku wayay dabka ayaa inoox aqiijiyay in uu geestay dabka qasaaro gaaraya 300-buus oo ay ku jireen Shidaalka loo isticmaalo gawaraaida iyo lacag gaareysa $10-ku oo dollar.


"Ilaah baan u mahad celinayaa marka koowaad walaal waxaan xalay kas oo cararay halka ay dadka u barakaceen gaaar ahaan Celsah Biyaha markaan arkay holaca dabkii ka kacay xalay suuqa markaan soo gaarnay ilaah mahadiisa waxaan ku guuleesanay in aan damino anaga iyo ciidamada Al-Shabab oo amniga sugayay " Asmed Xasan.
 


Ma dhicin wax gurmad ah oo dabka lagu daminayo oo sidaa u buuran oo uu suuuqu helay oo aan ka aheyn dadweyne sacaboolay ah oo baaldiyo biyo ku daldalayay waayo jidadkii  suuqa soo gala ayaa waxaa gooyay xarakada Al-Shabab oo ka baqanaya weerarada AMISOM.


Ma ahan markii ugu horeysay ee uu suuqa bakaruhu gudto ee waa markii sadexaad muddo 10 sano gudahood ah mana muuqdo dadaal ay kaga gaashaamanayaan ganacsadada suuqa Bakaaraha dab kale.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]