Xubnaha golaha guurida Maamulka Somaliland oo ka dooday iscasilaadii uu dhawaan iscasilay gudoomiye kuxigeenka 1-aad golaha guurtida Somaliland Sh. Axmed Sh. Nuux.
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Aadan ayaa u sheegay saxafada in cod loo qaado iscasilaadii gudoomiye kuxigeenka 1-aadgolaha guurtida somaliland. oo isagu iscasilay.
Golaha Guurtida oo ka soo qayb fadhiga waxa ay ahaayeen 65 Mudane 63 ka mid ah way diideen markii Goluhu cod u qaaday inay aqbalaan iyo inkale, cid ka aamustayna may jirin labada Guddoomiyena may Codaynin.
Ugu danbeentii Mr Saleebaan ayaa saxafada u sheegay in Sh Axmed Sh Nuux sii haan doono xilgii uu iska casilay ee ahaa Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee Golaha Guurtida.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























