News
Addis Ababa<br />

Addis Ababa

Kenya: waan ka fiirsan doonaa in aanu ciidan siino dowlada Shariifka

Dowlada Kenya ayaa sheegtauy inay dag dag uga fikiri doonto udirida ciidamo dalka soomaaliya kuwaasi oo kubiiri doono ciidamada nabad ilaalinta ee aya AMISOM.


Mosas watanguule Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya oo Saxafada dalka Kenya lahadlay  ayaa sheegay in Kenya ay iminka qaadaneyso fikrad wada tashi ah ee ay madaxdeedu kadoodayaan udirida ciidamo dalka Somaliya.



Waxa uu intaa kudaray in sababta Kenya ay ciidamo laga yaabo inay ku biiriso AMISOM  ay tahay fiditaanka iyo Al-Qacida qaasatan Islaamiyiinta Somaliya oo qarka u saaran in ay soo tilaabaan xusuuda Kenya.


‘' Inagoo kafikireyna amaanka gobolka waxaa laga yaabaa inaan dag dag ugo'aansano udirida ciidamo nabad ilaalin ah dalka soomaaliya, sido kale Ethiopia waan ognahay inay iyaduna caawisay soomaaliya, iyo jabuuti oo direysa  ciidan sidoo kale keenyana way kafikireysaa arintaasi'' ayuu yiri Watanguula.


Balanqaadka ciidan ee Kenya ayaa imaanaya kadib markii jabuuti ay balanqaaday inay ciidamo gaaraya 500 ay udirto Soomaaliya .




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]