Guddoomiye Ku xigeenka Deegaanka Dhoobley Sheekh Max’ed Carab oo u warramayay saxaafadda ayaa si kulul u weeraray hadalkii ka soo yeeray Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed madoobe) wacadna ku maray in ay asiga baadi goobi doonaa haduu joogo gobalada jubooyinka.
Sheekh Carab ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalkii kasoo yeearay Axmed madoobe waxa uuna sheegay in ay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaado dhanka xoogaga uu horkacay , isagoo sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan dagaallada gobollada jubooyinka.
Jawaabtani ka soo yeeray Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli hadal shalay kasoo yeeray Axmed Madoobe oo isagu xubin sare ka ah ururka xizbul islaam oo dabayaaqadii sanadkii tagay laga bixiyay Magaalada Kismaayo uu madax ka ahaa.




























