Shacabka Reer Puntland waxaa looga baahan yahay midnimo iyo dulqaad. Dowladda Puntland waxaa looga fadhiyaa inay la timaado istaratajiyad cusub.
Nabadda iyo dowladnimada waa hooyada iyo aabaha hor’umar nooc kasta ha noqdee. Ummad kasta oo dunidan ku nool waxay jeceshahay inay gaarto hor’umar la taaban karo amase lagu faani karo. Waxaana marna meel looga leexan karin xaqiiqdaasi iyadoo aysan cidna marti u noqon karin ka qeybqaadashada nabadda dowladnimada.
Burburkii Somalia wuxuu keenay dhibaatooyin faro badan oo dhamaanteen aanu wada ognahay. Xerooyinka qaxootiga ugu waa weyn dunidan waxaa buux dhaafiyey shacab ka soo qaxay gobollada Somalia. Qoysaskii Somaliyeed ee ku noolaa Qurbaha waxaa la soo derisay xujooyin diini ah, midnimo-diid iyo burbur dhanka dhaqankii suubanaa.
Gobollada ay maamusho Dowladda Puntland ee waqooyi-bari Somalia ayaa dhowaanahaan waxaa ku soo batay falal keenay amaan-xumo aan hore loo arag iyadoo ay jiraan ururo iyo shaqsiyaad dambiile ah oo si khaldan uga faa’ideysta khalkhal-gelinta amniga guud ee Puntland.
Sedexdii bilood ee ugu danbeeyey waxaa dilal qorsheysan lagu fuliyay sedax Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Garsoore magacdheer, inan firfircoon oo hogaan ka ahaa urur arday iyo dad kale oo shacab ah. Dilalkaan qorsheysan cidda fulisay lama sheegi karo laakinse waxaana marnaba la oran karin dilalkaani oo dhan waxaa ka danbeeya hal koox.
Waxaa cad in dagaal lagu soo qaaday Dowladda Puntland iyo shacabka gobolladani degga iyadoo maalin cad la laynayo mas'uuliyiin dowladeed, waxgarad iyo shacabka intiisa kale. Dowlad kasta waajibkeeda ugu sareeya waa sugida amniga waajibaadkasoo ah mid aan cid gaar ah asxaan loogu falayn.
Dowladda Puntland waxaa looga fadhiyaa inay la timaado istaratajiyad cusub iyadoo la wada ogsoon yahay in dagaalkani uu yahay dagaal ku cusub gobollada Puntland. Madaxda dowladda waxaa laga sugayaa inay shacabka la hadlaan ugana warbixiyaan waxqadkooda. Shacabka ayaa si gaar ah xiisaynaya warbixino ku saabsan raga ay Maxkamadda Bosaso dhowaan ku xukuntay dil toogasho ah oo la xiriira dilalka qorsheysan ee ka dhacay Bosaso qaarkood. Xoojinta amniga wuxuu qeyb ka yahay adkeynta iyo horumarinta nidaamka cadaaladda Puntland ee isku keena ciidamada amaanka, maxkamadaha iyo xabsiyadda.
Shacabka Reer Puntland waxaa looga baahan yahay midnimo iyo dulqaad. Dowladda sanad-jirsatay oo uu hormuud ka yahay Mudane Madaxweyne C/raxman Shiikh Maxamad (Farole) ayaa qaaday talaaboyin badan aan horay looga arag gobollada Puntland. Waxaana soo hadal qaadi karnaa: 1) bixinta mushaarka shaqaalaha dowladda oo dhan bil kasta; 2) sixidda nidaamka maaliyeed ee dowladda; 3) dib u dhisida laamaha amniga kuwasoo ku sugnaa xaalad burbur doorashadii ka hor; 4) la dagaalanka kooxaha burcad badeeda oo maanta xoogoodi ku aruuray degmoyin Puntland koonfur ka xiga; iyo 5) balaarinta magaca Puntland oo maanta gaaray daafaha dunida oo dhan.
Riyadda Puntland waa mid ay wadaagaan dhamaan shacabka Reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. Dowladda Puntland ayaa waxaa loo dhisay ilaalinta awoodaha siyaasadeed iyo kheyraadka dabiiciga ah ee gobolladani markii laga hadlayo arrimaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia. Doorashadii Janaayo 8, 2009, waxay ahayd bilowga riyadaani waxaase loo baahan yahay midnimo iyo dulqaad si dowladda looga taageero inay burburiso kooxaha amni-xumada ka dhex wada Puntland.
Reer Puntland-noow,
Nabadda iyo Dowladnimada hala ilaashado. “Anigaa laandheere ah” waa xaq-daradii Xamar dumisay. Dastuurka Puntland waa dastuur waafaqsan diinta Islaamka waana dastuur ogol dowladnimo ku dhisan cadaalad bulsho, wada-tashi, dowlad-wanaag iyo awoodo isu dheelitiran.
Reer Puntland-noow,
Nabadda iyo Dowladnimada hala ilaashado. Burburka Puntland wuxuu horseedi doona qax cusub. Dadka doonaya burburka Puntland ee ka soo jeeda isla gobollada Puntland ha xusuustaan in maanta Reer Puntland aysan heysan meel loo qaxo. Dunida oo dhan baa laga nacay qaxooti Soomaaliyed.
Reer Puntland-noow,
Nabadda iyo Dowladnimada hala ilaashado. Cid kasta oo hami siyaasadeed leh hasoo marto wadada saxda ah ee qaabka doorashooyinka shacabkana haku qanciso barnaamijkooda siyaasadeed. Ruuxa raba inuu xoog ku qabsado Puntland waa ruux raba kaliya burbur siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo hor leh.
Reer Puntland-noow,
Nabadda iyo Dowladnimadda hala ilaashado. Dowlad kasta oo xun waxay ka fiican tahay 100% dowlad-la’aan. Dowladda Puntland waa dowlad la doortay oo joogi doonta wakhti cayiman. Isbedel ku imaada dhiiga Islaamka wuxuu ku dhamaada fitno iyo khasaaro aan la qiyaasi karin.
Gebo gabo, guusha waxay raaci doontaa dadka ka shaqeeya nabada iyo horumarka Puntland. Dadka yar oo loo isticmaalo burburinta Puntland waa cadow Ummada dhex-jiifa. Waajibka saaran shacabka Puntland waa inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago qaswadayaasha. Dowladda Puntland-na waxaa laga sugayaa ilaalinta amniga, cadaaladda iyo hirgalinta barnaamijyo hormarineed.
Wabillahi towfiiq,
W/Q: Hanad Heydar, southkings@gmail.com




























