News
Laascaanood

Laascaanood

Qarax xoogan oo lagu weraray Hotel ku yaala magaalda Laascaabnood.

Wararka naga soo garaya magalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay qaraxyo waaween laga maqlay magaaladaas.


Waxaa si weyn looga maqlay magaalada Laascaano Qaraxani oo abaare 8:30 iyo daqiiqado ka dhacay Hotel Xamdi oo ku yaala bartamaha magaaladaasi, gaar ahaan dhanka Bariga.
 


Hotelka Qaraxa la la eegtay ayaa waxaa degenaa sida wararka lagu hayo Wasiiro ka tirsan golaha Wasiirada maamulka Soomaaliland waxaanan la ogeyn sida ay wax u dhaceen iyo in ay jiraan Khasaare qaraxaasi iyaga ka soo gaary.


Ilaa iyo haatan lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxani maadaama xili habeen ah uu dhacay balse khadka telephonka ayaan kula xariirnay,  Isbitaalka magaaladaasi ayaa na loo xaqiijiyay in ay jiraan dhaawac balse muusan carabaabin dhaawaca waxa uu yahay.



Isla durbadii waxaa goobta soo buuxiyay ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland kuwaas oo bilaabay howlo baaritaan iyo bandow.


Si kastaba ha ahaatee waa qaraxii labaad ee mudo labo asbuuc gudaheeda ka dhaco magaalada Laascaanoo halka Asbuucii hore lala beegsaday Miino gudoomiyaha magaaladaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitlaa ku yaala magaalada Hargees ee ismaamulka Somaliland.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]