News
Sanca

Sanca

Kooxo Burcad badeed ah oo qafaashay markab laga leeyahay wadanka Libiya

Kooxo Burcad badeed Soomaalida ah ee ka qowlaysta badweynta India iyo gacanka cadmeed ayaa gacanta ku dhigay Markab xamuul oo laga leeyahay wadanka Libiya.


Markabkan ayaa la sheegay in uu kasoo dhaqaaqay dakeda Magaalada Cadan ee wadanka Yemen 2-bishatan ,waxaana markii ugu dambaysay saarnaa 16 shaqaala ah oo uu ku jiro kabtankii Markabaasi.


Waxaa afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Yemen uu sheegay in la qabsaday markabka xili uu marayay badweynta,lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen burcadii qabsatay,marka laga reebo warar sheegaya in loola soo dhaqaaqay xeebaha deegaanka garacad ee gobolka Mudug.


Burcad badeeda soomaalida ayaa kordhiyay weeraradooda qafaalashada Maraakiibta iyo doonyaha kadib markii ay heleen lacag madax furasho ah oo malaayiin doolar kor u dhaafaysa.


Burcad badeeda waxaa ay mararka qaar weeraro aad u fog ay ka geystaan meelo aad uga durugsan xeebaha Soomaaliya,waxaana ay Mararka qaar la kulmaan xirxiritaan iyo fashilin ay Maraakiibta dagaalka ee wadamada shisheeye ee kusugan xeebaha Soomaaliya ay ku qaadaan.


Qabsashada burcad badeeda ee Markabkan wadanka Libiya ayaa imaanaya wakhti ay maraakiibta NETO buux dhaafiyeen xeebaha Somaliya.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]