News
Afgooye

Afgooye

Dagaal qasaaro dhaliyay oo ka dhacay gobolka Shabelada Hoose

Dagaal ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Sh/hoose kaasi oo u dhaxeeyay labo meleesiyo beeleed oo ku dagaalamay deeganka Dooxada Ceeloow .


 
Iska horimaadka ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen qaar ka mid ah meleeshiyo beeleedkii dagalamay iyo dad kale oo lagu qiyaasay ilaa iyo 6 -ruux  , waxaana sidoo kale dagaalka uu sababay in ay ka barakacaan dad rayid ah.


Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad daran halkaasi ay ka jirto islamarkaana ay isku horfadhiyaan labada meleesiyo beeleed , waxaana laga baqdin qabaa in dagaalo markale deegaankaasi uu ka dhaco.


Labadaan beelood ayaa waxaa horay dhoor jeer u dhaxmaray dagaal kaasi oo ay dad rayid ah ku dhinteen iyadoona ay jireen dilal aargoosi ah, waxaana colaadah beelahaani ay salka ku hayaan dhulal iyo daaqsin.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]