News
Muqdisho
Al-Shabab oo beenisay Hadalkii Xasan Dahir Aweys ugana digay beenta
Shiekh Cali Maxuud Raage (Cali dheere) Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa ka waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys.
Cale dheere ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Sheik Xasan Aweys oo ahaa in ay uga baxeen balan ay dhigteen iyaga iyo Xarkada Al-shababa ee ahaa in labada dhinac aan la kala wadanin Askarta ama saraakiisha soo gadooday.
"Waxaan leeyahay Dadka isku sheegaya Hogaamiye in ay qaldanyihiin Umada Islaamka waxa ay leedahay hal hogaan oo ah Abaa Cabdlla Sheikh Usama Allaha xifdiyo iyo hal Ciidan marka anaga wax aan ku balana Oday Aweys Majirto " Sheikh Cali Dhere.
Afhayeenka waxa uu ineysan dulmin Ururka Xisbul Islaam kuna xad gudbin laakiin ay mideeyeen Mujaahidiinta la ka dagaalanta Daldka Somaliya si ay iskaga gaashadaan doolaanka Cadowga Umada Islaamka.
Waxuu sheegay Sheikh Dhere ineysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayna yihiin Mujaahiidiin walaalo ah oo isku meel uga soo wada jeeda hal safna kala dagaalamaya cadowga sida uu yiri.
Ugu danbeentii waxa uu fartiin u diray dhamaan Xoogaga Islaamiyiinta ee la dagaalama Dowlada TFG-da kaasi oo ugu baaqay in ay hubkooda diyaarsadaan mada ay dowlada isku diyaarineysa in ay ladaagalnto Mujaahidiinta waa sida uu hadalka u dhigay.
no comments available
POST A COMMENT
gallery



























