Wararka naga soo gaaraya Degmada Laasqoray ayaa sheegaya in ay halkaasi rasaas ku dhexmartay Ciidamada Amaanka maamulka Somaliland iyo Burcad shalay soo qafaalatay Markab laga lahaa dalka Libiya isla markaana doonayay in ay halkaasi ku soo xirtaan markabka.
Israasayntaas oo sida la sheegay socotay mudo saacado ah, taas oo kama bambaystii ku qasabtay ciidamada Somaliland in ay iskaga goobta ay rasaasta ka dhaceesay ee afaafka hore ee xeebta Laasqorey.
C/risaaq Yuusuf Casayr oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska maamulka Somaliland ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in ay dhacdadaasi dhacday gelinki hore ee Khamiista balse ay hada xaliyeen burcadeena ay ku jirto bada Lasqorey.
Waxaana uu sheegay in Israsaasayntaasi ay sababtay in uu ku geeriyooday Askari ka tirsanaa Ciidanka Badda ee Somaliland kaas oo ay haleeshay Rasaasta ay soo fureen kooxaha Burcad Badeeda.
Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka badan bixiyo,waxaana uusan sheegin in ay jirto khasaaro kale ee soo gaartay Ciidanka Badda ee Somaliland.
Dadka degaanka ah ayaa iyaguna sheegay in Israsaasayntaas ay jirto isla markaana ay ka dhacday meel qiyaasti 10-KM uu jirta xeeebta degmadda Laasqoray.
Waxaana ay sheegeen in aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray labada dhinac,iyadoo sheegay in Markabkaas ay saaranyihin ila 30-nin oo Burcad Badeed ah.
Ila iyo hadda ma jirto wax faahfaahin oo kasoo baxday Israsaasaynta dhexmartay Ciidanka Somaliland iyo kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee soo afduubtay markabka laga leeyahay dalka Liibya oo la sheegay in ay ku haystaan Xeebta Gacan oo u dhow xeebta Laasqorey.




























