News
Boosaaso

Boosaaso

Ciidamo Bilays ah oo lagu xoojinayo Amniga Boosaaso oo magaalaasi gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaaalada Boosaaso ayaa ku waramaaya in Ciidamo Bilays ah oo tiradooda lagu sheegay 400 Askari ay dhawaan gaareen magaalaadaasi, si ay u xoojiyaan Ciidamada Bilayska ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.



Ciidankan oo Maalinimadii Shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa la filayaa
in ay ka qeyb qatan hawla Galada lagu doonayo in dib logu soo celiyo Ammaankii  Magaalada ay ku caan bacaday, kaasi oo mudooyinkii dambe uu soo wajahay khakhal.



Sida ay ku warameen Sarkiisha Ciidankan ayaa sheegay in Ciidankan uu yahay kuwa Tababaran oo leh Xirfado casri ah, kuwaas ka qayb qaadan doona soo celinta ammaanka Boosaaso oo  mudooyinkan lagu arkayay, Kooxaha habeenkii Afka soo duubta oo dilal is daba joog ah ka gaystay magaalada.



In kasta oo Ciidamo aad u fara badan aay hore ugu sugnayeen magaalada Bosaso, hadana waxan la aqoon waxa aay ku soo kordhin doonan Ciidankan Cusub ee hada lagu soo daray. Bosaso waa Magaalo weyn oo aad u dhisantay wixii ka dambeeyey Burburkii Soomaliya, Waxayna ka mid tahay Magaaloyiinka Faro ku tiriska ah ee ka badbaaday dagaaladii Sokeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya
.



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]