Fiidnimadii xalay ayaa Bam nooca gacanta laga tuuro ah waxaa lagu weeraray guri ay magaalada Boosaaso ka dagnaayeen Ururka Haweenka Maamulka Puntland.
Bamka lagu weeraray xalay gurigaasi muusan geesan wax qasaaraha walow uu burburiyay qeybaha dhasashada guriga kaasi oo cabsi xoogan ku abuuray dad deegaanka.
Dadka deeganka ayaa sheegay ayaa ku gaabsaday in aysan ogeyn sababta loo soo weeraray, waxaana Howlwadaag oo ah Xaafadda uu weerarku ka dhacay markii danbe gaaray qaar ka mid ah Ciidamada Nabad-galyada Maamulka Puntland.
Weerarka xalay lagu qaaday guriga ay degnaayeen Ururka Haweenka Puntland ayaa muujinaya ammaan darrada sii kordheysa ee ka taagan Magaalada Boosaaso , waxaana weerarkani uu noqonayaan kii ugu horeeyay oo lagu qaado guri ay deganyihiin Hey'adaha Maxaliga ah.
Dadka ku dhaqan Maamulka Puntland ayaa shaki weyn ka muujinya weerarrada is-daba joogga ah ee lagu qaadayo Shacabka iyo Saraakiisha Maamulka Puntland , waxaana iska cad in Maamulku ku guul darreystay wax ka qabashada Nabad-galyada maadaama uu san xalin dilalka iyo qaraxyada is-xig-xiga.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























