Jamacada Bariga Afrika, faraceedda Garoowe ayaa waxaa maanta u fariistay 130
arday Imtixaankii Semestarkii 1 aad ee sanad 2009-10 kuwaas oo ka koobnaa gabdho iyo wiilal ayaa waxaa ay u fariisteen saddex maado oo kala ah Maamulka iyo Maraynta,
Computerka, shareeciga iyo Qanuunka.
Waxaana uu si rasmi ah uga
bilowday maanta iyadoo ay ardaydu kala galayaan imtaxaanka galab iyo
subax isla markaasna uu soconayo labo todobaad, sida ay sheegeen
maamulka Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garowe.
Gudoomiye ku
xigeenka Jamacabada Bariga afrika faraca Garowe, Guuleed Salax oo
saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ardayda imtaxaanka u fariistay ay
yihiin kuwii ugu horeeyay tan iyo markii Jamacadan laga furay garowe,
isla markaasna si wayn ay looga soo taxadaray maadooyinka ay imtaxaanka
ku galayaan, waxaana la adkeeyay goobta imtaxaanku ka socdo si aan loo
qishin oo qof walba waxaa uu la yimaado natiijo u noqonaysa.
Qaar
ka mid ah ardayda Jamacada oo aan wax ka waydiinay sida ay u arkaan
Imtaxaanka sanad 2009-10 ayaa sheegay in ay si wayn ugu
faraxsan yihiin oo ay ku kalsoon yihiin aqoonta ay ka barteen Jamacaadda.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























