Banaanbax
iyo Rabshado baaxad leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee
xarunta gobolka Sool oo labo sanadood ka hor gacanta u gashay maamulka la baxay Somaliland ee Waqooyi galbeed Soomaaliya.
rabshadihii
maanta ayaa ka dhashay ka dib markii saaka ay ciidamadu bilaabeen in
ay soo qab qabtaan macalimiinta wax k dhiga iskuulada kala duwan ee magaaladaasi.
Mas’uul ka yahiin Qaraxyada ka dhacaya magaalada Laascanood, banaan
baxa arintan looga soo horje ayaa ciidamada Somaliland waxay jawaab
uga
dhigeen inay rasaas ooda uga qaadaan dadkii banaanbaxayay, halkaasi oo
uu ku dhintay nin oday ah, waxaa kale oo rasaasta ciidanani ooda ka
qaaday ku dhaawac dad fara badan oo aan tiradooda la soo koobin.
Dhanka
kale ayaa wararku waxa ay intaasi ku daryaan, in isla maalintii shalay
uu dhaawac soo gaaray 5 askari oo ka tirsan ciidanka booliiska ee
Somaliland, kuwaas oo dhaawacmay
ka dib markii gaari ay wateen uu god kula dhacay, dhamaan wadooyinka
magaalada ayaa xidhan, waxaana Bilayska magaaladaasi xidh xidhey dad
fara badan oo shacab ah, jawiga Laascaanood ee caawa ah mid aan la
ogaan karin waxa uu ku waabariisanayo.
kala soco war wixii ku soo kordha Laascaanood DunidaOnline.com
News
Laascaanood
Rasaas Bilaysku ku furay dad k Banaabaxay Laascaanood oo dhalisay dhimasho iyo Dhaawac
no comments available
POST A COMMENT
gallery



























