News
Laascaaanood

Laascaaanood

Bilayska Somaliland oo dil dhaawac iyo xarig u gaystay dad Laascaanood ka Banaanbaxay

Banaanbax iyo Rabshado baaxad leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo labo sanadood ka hor gacanta u gashay maamulka la baxay Somaliland ee Waqooyi galbeed Soomaaliya.


rabshadihii maanta ayaa ka dhashay ka dib markii saaka  ay ciidamadu bilaabeen in ay soo qab qabtaan macalimiinta wax k dhiga iskuulada kala duwan ee magaaladaasi. Mas’uul ka yahiin Qaraxyada ka dhacaya magaalada Laascanood, banaan baxa arintan looga soo horje ayaa ciidamada Somaliland waxay jawaab
uga dhigeen inay rasaas ooda uga qaadaan dadkii banaanbaxayay, halkaasi oo uu ku dhintay nin oday ah, waxaa kale oo rasaasta ciidanani ooda ka qaaday ku dhaawac dad fara badan oo aan tiradooda la soo koobin.

 

Dhanka kale ayaa wararku waxa ay intaasi ku daryaan, in isla maalintii shalay uu dhaawac soo gaaray 5 askari oo ka tirsan ciidanka booliiska ee Somaliland, kuwaas oo dhaawacmay ka dib markii gaari ay wateen uu god kula dhacay, dhamaan wadooyinka magaalada ayaa  xidhan, waxaana Bilayska magaaladaasi xidh xidhey dad fara badan oo shacab ah, jawiga Laascaanood ee caawa ah mid aan la ogaan karin waxa uu ku waabariisanayo.


kala soco war wixii ku soo kordha Laascaanood DunidaOnline.com




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]