Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday ergeygeeda cusub ee u joogi doona hada kadib dalka Mareykanka oo haatan ah dalka ugu tunka weyn dowladaha caalamka.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Abukar Cadow Carmaan in uu noqdo ergayga Somalia u qaabilsan dowlada Mareykanka iyadoo wareegtadana ay dhaqan gashay maanta sida ku xusan qoraalka.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay dowlada KMG ah ku dooneyso xoojinta xiriirka Somalia iyo Mareykanka iyo in labada dowladood ay kordhiyaan iskaashiga ka dhaxeya ee ku aadan wax ka qabashada xaalada Soomaaliya.
Abukar Carmaan ayaa ah 49 jir Soomaali ah wax weynna ka yaqaana siyaasada dalka Mareykanka,wuxuu ku noolaa Mareykanka mudo 30 sanadood ah isaga oo lasoo dhaqeeyey ururada bulshada rayidka ah ee ka howlgala dalka Mareykanka.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























