News
Mandheera

Mandheera

Kulan toos ah oo dhexmaray Masuuliyiin ka socota Kenya iyo saraakiil ka tirsan Al Shabaab

Waxaa marki ugu horeysay kulan rasmi ah wada qaatay saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo madax ka socotay dowlada Kenya.


Kulan mudo laba maalmood ah uga socday labada dhinac magaalada Mandheera ayaa shalay la soo gaba gabeeyey iyadoo kulankaasi looga hadlay amaanka magaalooyinka Mandheera iyo Balad-Xaawo oo ah laba magaalo oo ku kala yaala xadka Somalia iyo Kenya.


Kulanka ayaa waxa si rasmi ah isugu soo hor fariistay madaxda Al Shabaab ee magaalada B/xaawo iyo madaxda dalka Kenya wakiilka uga ah magaalada Mandheera oo ah magaalo ka tirsan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.


Fadhiga ay wada qaateen labada dhinac ayaa waxa kasoo baxay natiijooyin ku aadan xoojinta amaanka ee labada magaalo iyo iskaashi ay wada yeeshaan ciidamada amaanka maadaama labada magaalo ay yihiin kuwo aanan si naba u kala go,in una kala maarmin.


Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ugu weyn in labada dhinac ay asbuuciiba mar isugu yimaadaan kulan si looga hadlo xaaladaha amaanka iyo in midba midka kale uusan kusoo xadgudbin.


Maamulka Mandheera ayaa waxa uu ka sheegtay maleeshiyaad kasoo gudbo B/xawo kuwaas oo gawaari ama dad kasoo afduubto magaalada Mandheera,halka maamulka B/xaawo uu isna ka ashtakooday xarig lagula kaco dadka ka baxo magaaladooda.


Balad-Xaawo iyo Mandheera ayaa ah laba magaalo oo ay daganyihiin Soomaali isla markaana aysan kala maarmin labada shacab ee ku nool,waxaase jiray bilihi dhawaa cabsi iyo kala dhaki taasoo keentay ciidamada Kenya oo soo buuxiyey xadka kuwaas oo kabaqaya Al Shabaab.



 

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]