News
Yeed

Yeed

Ciidamadii Ethiopia ee Shaaly soo gaaray G/Bakool oo maanta guuray

Ciidamadii Ethiopia-nka ahaa ee shalay soo gaaray G/Bakool ayaa saakay is kaga baxay kadibs aacado markii ay halkaasi ka wadeen baaritaano culus oo ay dad ku qabqabteen.


Wararka qaara yaa sheegaya in ay ciidamada halkaasi dad shacab ah ay kuq abqabteen kuwaasi oo u watay fariisimo ay ka sameesteen duleedka deegaanka Yeed balse markii danbe ciidamada way soo sii daayeen.


Shacabka deegaanka ayaa ka cawanaya Colaadani soo dul habsatay kuwaasi oo sheegaya in ay xalay ilaa iyo shalay ay ku jireen wal wal mada ay xoogaga islaamiyiinta joogaan isla gobalka Bakool.


Dhanka kale Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa iyana u soo jeediyay qolyaha ahlkaasi ku dagaalamaya in ay dirirta joojiyaan si ay ugu turaan bulshada ku dhaqan G/Bakool.


Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqayadani ayaa ku soo beegmaya xili ay dowlada TFG-da dhex da u xiratay in ay la tagaalanto xoogaga ka soo horjeeda oo heesta intabadan dalka Somnaliya.



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]