News
Muqdisho

Muqdisho

Xukuumada TFG-da oo faafaahin ka dhiibtay halka ay mareyso lacagta Cusub .

Eng: C/Qaadir Cusmaan ( Yariisoow) Wasiirka lacagta dowlada KMG ah ee Soomaaliya  ayaa ka warbixiyay halka ay mareeso howsha lacagta cusub ee ay ay dowlada KMG dooneyso in ay ku soo daabacdo Dalka Suudaan.


Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay rajeeynayaan in ay wajiga ugu horeeya ee lacagta ay soo gabagaboowdo, waxa uuna tilmaay in mudo Shan bilood gudahooda lacagta cusub daabacaadeeda lagu soo gabagabeeydoona islamarkaana laga herelindoono dalka Soomaaliya.



Sidoo kale Injineer Yariisoow ayaa sheegay in lacagta cusub ee lagu howlan yahay daabacaadeeda ay ka duwam tahay lacagta haatan laga isticmaalo dalka Soomaaliya , waxa uuna tilmaamay in lacagta ay ka kooban tahay 2 kun, 5 kun, 10 kun, iyo 50 kun oo Sh.S ah.


Ugu danbeeyntii wasiirka ayaa sheegay in lacagtaani ay tahay mid si weyn looga baaraandegay islamarkaana waxa sicir barar ah ay keeni doonin , waxa uuna ugu baaqay dhamaan Soomaliyda in ay ka shaqeeyaan sidii lacagtaani loo socodsiin lahaa.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]