Xoogaga dhawaan gacanta ku dhigay Gobalka Hiraan ayaa daaha ka qaaday in aysan wax baqdin ah ka qabin Tababarka iyo abaabulka uu dhiibayo Gen. Maxamed Nuur Galaal kaasi oo ku soo wajahan gobalkaasi .
Shiikh Salmaan Sahal Muuse Madaxa Arrimaha Bulshada Xizbul Islaam ayaa sheegay in Gen. Galaal uu yahay nin dagaal kula jira waxa uu ku sheegay Islaamka, isla markaana haatan uu ka wado Guriceel qorshayaal kala duwan .
“Aqoon buuxdo ayaan u leenahay Gen.Galala waa nin wiligiisa la dagaalami jiray Islaam markastana gashta Shaatiga uu doono ha u badnaato shaatiga qabiilka marka adeer Galala bal kaalay oo Hiiraan ku soo duul hadad la kulmeeso Caano iyo biyo " Shiikh Salmaan sahal .
Sheeikh ayaa sidoo kale ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda duleedyada magaalada B/weyn, waxaana uu sheegay in ay iska caabin doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.
Gen. Galaal ayaa ayaa kamid ahaa dadkii horaantii bishii tagtay lagu xirxiray Magaalada Nairobi kaasi oo markii danbe Booliska Kenya ku amreen in uu iskaga baxao Magaalad Nairobi.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























