News
Muqdisho

Muqdisho

Sarkaal ka soo goostay Dowlada KMG ah oo isku dhiibay Al-Shabab

Xarakada Al-shabab ayaa maanta soo bandhigtay qoryo fara badan iyo Sarkaal Sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa xukuumada TFg-da kaasi oo ka soo goostay dowlada iskuna soo dhiibay Al-shabab.


Sheikh Dali Dhere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa warbaahinta Muqdisho la hadlaya asigoo soo bandhigay Sarkaalka ka soo goostay Dowlada KMG-ka iyo qoryo AK47 u badnaa oo uu sheegay in uu kala soo baxsaday Ciidamada Dwoalda.


Afahyeenka ayaa ku sugnaa markuu Saxaafada la hadlayay xaruntii guulwadayaasha oo ah hada Xero Ciidan halkaasi oo ay ku jiraan Ciidamadii horaantii sanadkani lagu soo bandhigay Xeradii Maslax.


Cali Dheere ayaa sheegay in hubkaas ay ciidamo kala soo goosteen dowladda, hase ahaatee goobta wax ciidan ah laguma arkin , waxaase dhinaciisa fadhiyay sarkaal sheegtay inuu dowladda ka soo goostay.


"Walalkaan Baashi Axmed aad u jeedaan Maalmo ka hor waxa uu ahaa qolayaha Rida laakiin ilaah baa u nicmeeyay oo waxa uu gartay xaqa halka uu ka jiro marka walalkeena waan soo dhaweeneenaa waxaan u sheegaya aCiidamada dhunsan ee ka tirsan dowlada Shariif in ay hurdada ka kacaan oo ay Walalaahooda isku soo dhiibaan " Cali Dhere.


Afhayeenka al-shabab Sheikh Cale ayaa u balan qaaday dhamaan Ciidamada hatan ku harsan Xeryaha Dowlada Tfg-Da in ay nabad galin doonaa hadii ay isa soo dhiibaan oo ay ka soo tagaan qolyaah gatay niiga shacabka waa sida uu hadalka u dhigay.


Warbaahinta waxaa isla goobta ku lahadlay sarkaalka ka soo goostay Dwoalda Baashi Axmed oo sheegay in uu hogaaminayay ciidamada TfG-da ee dhawaan la geeyay Warshada Nac Naca go'aansadayna in uu ku soo biiro Xarakada Al-shabab.


Majiro wax hadal ah oo ka soo yeeray Xukuumada TFG-da kaasi oo ku aadan xaqiijinta Sarkaalkani sheegay in uu ahaa Hogaamiayaha Ciidaada.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]