News
10.10.2015 comments (1)

Oase Water Solution waxay kuu haysaa Ceel casri ah oo ku shaqaynaya ilayska Cadceeda?




Oase Water Solution

Bishaaro weeye wanaagsan farxadeedu balaaran...

Beeralayda, Xoola dhaqatada, Tuulo iyo Magaalaba, waxaanu idinku bishaaraynaynaa Technologiyad casri ah oo ku shaqaysa ilayska cadceeda kaana haqantiraysa Biyo Nadiif ah oo la cabo ama Xoolaha iyo Beeraha aad ku waraabin karayso, aalad casri ah oo qiimaheedu aanu badnayn, kharash iyo Batrool joogta ah aaan kaa doonayn, hadaba ha moogaan shirkada Oase Water Solution oo kuu haysa farsamada DIY ee Biya soo saarida casriga ah.


Caalamka iyo Mushkilada Biyaha


Ku dhawaad 800 Milyan oo qof oo Caalamka ku dhaqan ayaan xilgan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan. sida ay Hay'ada Qaramada Midoobay odorosayso sanadka 2025-ka tirada dadka biyo yaridu haleelayso ayaa gaari doona ilaa 1.8 billion oo qof.
 
Ku dhawaad saddex meelood laba ka mid ah dadka dunida ku dhaqan ayay saamayn doonta biyo yaridu. Sannad kasta, 3 milyan oo qof ayaa u dhinta cudurada ka dhasha biyaha aan nafiifka ahayn - taas oo qiyaastii noqonaysa 10.000 oo qof maalin kasta, kuwaas oo u badan carruur da'doodu ka yar tahay 5 jir.

Dhibaatada biyo yarida ayaa waxaa kor u sii qaadaya dadkaasi oo aan haysan Aalad biyo u fududaysa nadiif ah ama ku-xidhan hab biyo soo saarid aan la jaan qaadi karin xaaladdaha deegaanka iyo weliba iyaga oo aan heli fursado wax ka bedela farsamooyinkii hore loo isticmaali jiray sida:



- Matoorada qaaliga ah ee ku shaqeeya shidaalka xad dhaafka ah oo aan loo badheedhi karin.

- Bambooyinka biyaha ee ku shayqeeya dabaysha oo biyaha soo saara xilga ay dabayl ku filan helaan oo kaliya.

- Bambooyinka biyaha ee sicirkoodu sareeyo, kuwaasi oo aan wadamadaasi lagu samayn karin iyo

- Bambooyin gacanta oo u baahan dayactir joogta ah, isla mar ahaantaana aan lagu hagaajin karin goobta ay ku xiran yihiin.


Farsamooyinkii hore loo isticmaali jiray ayaa halkii ay xal ugu noqon lahaayeen biyo yarida Caalamka waxay inta badan la yimaadaan cilado joogta ah oo wata hawl iyo kharash aan dhamaanayn.


Xalka

Shirkadaha Oase Water Solution  iyo PUMPMAKERS waxay idiin hayaan biyo & shaqo - adiga oo adeegsanaya farsamadii u dambaysay ee Caalamka ee Bam ku shaqaynaysa ilayska cadceeda.

Bamka la magacbaxay DIY waa farsamadii ugu casrisanayd ee biyo soo saarida, waxaa lagu tijaabiyay wadamo kala duwan oo Caalamka ka mid ah. DIY waxay fursad qaali ah u tahay dadka doonaya inay ka ganacsadaan biyaha la cabo, sidoo kale Beralayda iyo Xoola dhaqatada.

Aqoon balaaran, Teknoolajiyada cariga iyo qalab laga sameeyay Fiberglas ayaa Bamka DIY ee ku shaqeeya qoraxda ka dhigaya farsamo cimrigeedu waaro, isla mar ahaantaana qiimaheedu aanu ku eryayn, maxaa yeelay?

 
 

 

- Ma laha cilado iyo kharash joogta,

- Ilayska qoraxda ayaa kaa haqabtiraya biyo uu kaaga soo saaraya Ceelkaaga,

- Wuxuu si habsani leh biyaha uga soo tuurayaa ceelasha dhererkoodu gaarayo ilaa 100 mitir / 300 feet,

- Bamka gacanta ee qalabkan la socda ayaa isticmaali karaysaa xiliga habeenkii ee aanay caceedu jirin,

- Qalabkani uma baahna wax dayactir ah (waxaana suura gelinaya qalabkan oo ah mid casri ah tayadiisuna sarayso)

- Bamkani ma aha mid mirira, maadaama laga sameeyay qalab aanay milixdu waxyeeli karin,

- Dhammaan qiimaha alaada Bamkan ayaa la jebiyay si kor loogu qaado  dhaqaalaha maxalliga ah ee Caalamka,

- Waa qalab si fudud loo xirxiri karo - waxaaana ku filan aqoonta dadka deegaanka,


Intaa waxaa kuu dheer, inaannu kugu caaawinayno. BARNAAMIJKA lacag la'aan ah oo aad si fudud uga baran karto Bamka DIY, Warbixino  tafatiran  iyo video ama Muuqaalo qof walba uu soo suura gelinaya inuu isagu rakibto bamka qoraxda ee casriga ah DIY.

Halkan ka Daawo




Nagala soo xiriir
 

Oase Water Solution
Abdikhalik Mohamed

Ofice Garoe, Somalia
Phone +  252 907 755 527

ama

 offfice@oase-water-solution.com




 
COMMENTS
22.12.2015Mireh Hussein

Mr.

Walaal Abdikhalik mohamed waan ku salaamay, waxxan ku waydiiyay meequ noqonaya ceelka ay qodaan shirkadda Oase water solution.
POST A COMMENT
Captcha

[top]