Sarkaal u hadlay
xarakada Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay si nabad gelyo ah kula
wareegeen Jasiiradaha ku yaala gobolka Jubbada Hoose.
Jaziiradaha fog
ee gobolka Jubbada Hoose, sida: Kudhaa, tuulada Kulbiyoow, degmada
Badhaadhe iyo Raaskasmbooni ayaa hada ka dib waxaa maamuladooda ay hoos
imaan doonaan xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, ayuu sheegay
afhayeenka Al-Shabaab.
Talaabadan isbalaarinta ah ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa iyadoo
dagaalo culus ay ka jireen mudooyinkii dhowaa ee la soo dhaafay gudaha
gudaha gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u dhaxeeyay Al-Shabaab
Al-Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.




























