News
Muqdisho

Muqdisho

Qorrax madoobaad saacado badan qaatay oo maanta ka taagan dalka Soomaaliya

Malaayiin dad ayaa isu soo baxay sidii ay u tukan lahaayeen kadib qorax madoobaa saakay ka dhacay Somaliya kaasi oo qaatay saacado dhoor ah kadib markii la wayay bar ka mid ah qoraxda oo ay madoobaatay inteeda badan.


Qorax madoobaadkani wuxu dhacay maanta waaberigii xiliga Muqdisho, wuxuuna ka bilowday gobolka sh/dhaxe  kadib waxay qorax madoobaadka u sii gudbay inta badan gobalada dalka Somaliya.
 


Masaajidyada Muqdisho ayaa waxa soo buxdhaafiyay dad ilaah ka baryayay in uu iftiinkii qoraxda dib ugu soo celiyo, qorax madoobaakan oo ahaa kii ugu dheeraan abid
looguna daawashada badnaa, waayo dadka reer Muqdisho ayaa in dhaha ku soo kala qaaday iyada oo qoraxda la gu dhagan yahay.


Qorax madoobaadkaas diimo badan waxay u fasirteen siyaabo kala duwan, tusaale Diinta Islaamka waxa ay ka qabtaa in uu yahay Mucjiso rabaani ah taasi oo nabiga laga soo gaaray xiligaan camal in la tukado salaada inta qorax madoobaadku lagu guda jiro, Hindiya dadka diimaha qaar caabuda waxay diidayaan xiligaan camal iney dibada usoo baxaan waayo waxay aaminsan yihiin in marka qoraxda madoobaato ay tahay shar.


Ugu danbeen Ilaa iyo iminka qoraxda wey madoob dahay welina dadka Islaamka ee Soomaaliya Salaado ayee u taagan  yihiin, wararkeena danbe ayaa kaga bogan doontaan xiliga ay qaadato iyo xilaga la daayo qoraxda.



kala soco dunidaonline warar sugan



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]