News
Boosaaso

Boosaaso

Dekada magaalada Boosaaso oo ay si xawli ah uga socdaan dhoofinta Xoolaha nool

Dekada  Magalada Boosaaso ayaa maalmahan ahayd mid shaqadedu ay  laban laabatay, Dekada Boosaaso ayaa aad ugu mashquulsan dhoofinta Xool nool oo loo iib gaynayo dalalka Sucuudi carabiaya ,iyo Yaman, Waxana Dekada ka Muuqda Maraakiib aad u waawayn oo lagu Daabulayo Xoolaha.

 

 

Xoolaha ka dhoofaya dekada Boosaaso oo ka kala yimi gobolo kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo weliba gobolada Soomaalida ee dalka Itoobiya. guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa  dadku aad ugu farxay, ka dib markii ay kal hore dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomalida.



Dekada Berbera oo iyana ah Dekada labaad ee Soomaaliya oo ay Xooluhu si toos ah uga dhoofayaan ayaa ganacsatada Xooluhu ka cawdeen, Cashuur Xad dhaaf ah oo maamulka Hargaysa uu ku soo rogay Xoolaha, cashuurtaasi oo garaysa 7$ (Todoba Doolar) neefkii.



Si kastaba Gudoomiyaha Rugtaas Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhawaan Waraysi siiyay saxaafada ayaa sheegay inay heshiis la soo galeen dalka Malayshiya, dalkaasi oo hada ka dib loo dhoofin doona Xoolaha Soomaaliya

 



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]