News
18.06.2013 comments (14)
Garowe

Garowe

Puntland TV oo caawa hawada soo galay & mamulka oo shacabka bogaadiyay

Maamulka iyo Shaqaalaha warbaahinta Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin bulshada reer Puntland ugu direy tijaabadii kowaad ee Tv-ga Puntland oo lagu guuleystey in hawada si toos ah caawa looga daawado markii ugu horeysay muddo 15 sano oo ay Puntland jirsatey.


Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland Abshir Abdulaahi oo wareysi Shabakada Dunidaonline.com la yeelatey ayaa sheegey isagoo ku hadlaya magaca Shaqaalaha iyo Xafiiska Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland inuu ku faraxsan yahay TV-ga oo dhawaan barnaamijyadiisa iyo Wararkiisu bilaaman doonaan ni toos ah caawa markii ugu horeysay 15 sano oo Puntland jirsatey Tv ay leedahay laga daawado meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda.


"Dad badan oo ku faraxsan kusoo biiritaanka hawada ee TV-ga Puntland leedahay ayaa naga soo wacay meelo kala duwan iyaga oo noo sheegey inay daawanayaan islamarkaana muuqaalka Tv-ga lagu arki karo uu yahay mid aad u sareeya"Ayuu yiri Abshir Abdulahi Mohamed.


TV-ga Puntland oo dhalooyinka dad badani ka daawanayaan ayaa waxaa magaca uu sito ee shaashada u saaran uu yahay magaca Puntlandtv iyadoona wali uu ku Guddo jiro tijaabo, islamarkaana la filayo in dhameystirka howshiisu soo gabo gabowdo sida ugu dhakhsaha badan oo uu guddo gali doono Tv-gu baahinta barnaamijyada iyo wararkii ka bixi lahaa sida uu noo xaqiijiyey Mudane Abshir.


Horay waxa hawada ugu jiray RadioPuntland oo labadii asbuuc ee lasoo dhaafay si toos ah u baahinayay barnaamijiyada iyo wararka caadiga ah,waxana laga dhagaysan karaa idaacadaasi mowjadaha gaagaban.

Thicom 3640 FR 28066 Size 3/4 herizental ''waa Fr-ka Puntland-tv''



Dunidaonline.com
Xafiiska Garowe



COMMENTS
09.04.2014maxamad

naaleeye486@hotmail.com

Asc wll anigu waxan joogaa KSA jidda ok waxad ii sheegtaan hadaa tihiin bahda tvbuntland seterltaka iyo nombarkiisa iguna caawiya qaabkaan uga daawan lahaa wadan kaan aan jooga oo asiya ah
22.10.2013ali nuur

manshallah

hambalyo ayaan leeyahay puntland tv soo dhawow aniga meesha aan joogo receiver radaan oo dhan kama shaqeyaan xitaa tv yada kale ee somali channel iyo universal tv xitaa wesiteka ayaan kadawadaan ee puntland tv website ka malaga helaa yaa si live ah hadii laga helaayo ciwaan kiisa ii sheega fadlan mahadsanidiin

ganacsade reer isliiya

maanshaa alaah waxaa maanta nuqunay dawlad rasmiya waayo hadii aanaad lahayn war baahin kuu gaara waa dhib warkaagana sifiican ugud bin maysid marka waxaan leeyahay madaxa tiifiiga waxaad kudadaashaa meelaha mihiimkaa ee puntland caanka kutahay xayay siintooda marwalba shaashada yaan laga waayin
19.06.2013Mohammed

PTV

Frequency ga hotbird ka yaa isiin kara pls..waayo europe ayaan joogaa recieverkaygu malaha thaicom...pls help..waad mahadsantihiin

mc.aadanh@hotmail.com

walayaal tvga ma hayo wan radiyay xataa ee maxa khaldana waxan sugayaa jawab wangasan
19.06.2013shafici

a.a.shafici.@hotmail.co.uk

asc hanbalyo pltv walaalayaal tv ha la soo galiyo hot bird

maxamed

to istaahirnwalaal anaa kaa badiya oo aqoon u le ilaahay ka baq tv-gu haduu ku jiro satilitka thaicom 5 suurta gal maâha in aad ka daawato eurup rnErub waxaa laga daawan karaa hot bird 13 rntvga hadii larabo in caalami laga dhigo oo aduunka oo dhan laga daawan karo waa in uu soo galaa 3 sitelet thaicom 5 oo ah geeska africka iyo bariga esia iyo austaralia rniyo hot bird 13 oo ah bariga dhexe iyo Eruprniyo galyx 19 oo ah north ameeric rnsaas la soco hadii aadan aqoon u laheen iska aamus
18.06.2013fartuun

maasha allaah waa wax ilahay lagu mahad celiyo

asc dhamaan waan u hanbalyeynaah shaqalaha tv puntland aad iyo aad baan u soo dhaweynayaah hadii aan nahay shacabka reer puntland wana ku faraxsnahay waa wax ilahay looga mahad celiyo alxamdullilaha ilahay waxaan ka baryey shaqalaha tvgeena puntland in uu ilahay noo xifdiyaa mid dalkiisa iyo dadkisa u adeega allah ka dhigaah aamiin hanbalyo iyo soo dhaweyn balaaran iyo waliba farxad aan la qabsaynayno shacabkeena iyo dadkeena reer puntland
18.06.2013Istaahil UK

hoos ka akhriso melaha laga dawan karo

Boowe Axmac Cali Anoo jooga London ayaaba daawanayee Tv-geena Puntalnd,xaruntiisa labaaadna waa London kan kowaadna waa Garowe marka walal waa shanta qaaradood ayaa laga daawanayaa labo satarlayd ayuu ku jiraa Puntlandtv

axmed cali

Dunida online walalayaal tv-ga haduu galay thicom 5 waxaa laga daawan karaa geeska africka iyo neaziland iyo austaralia
EUrup ma soo gaari karo ee u sheega Eurup waxaa laga daawan karaa siteletka hot bird
waqooyiga mareekankanga sida kanada iyo ameerika waxaa laga daawan karaa klexy 19 aduunku iskumid ma'ah ee please u sheega hot bird 13 hasoo gasheen si Eurup iyo bariga dhexe ee caranta looga daawado

tv

Dr. Cashur aduunka oo idil ayaa laga daawan karaa wall
18.06.2013Dr. Anshur

Su'aal

DSTv malaga daawankaraa oo hadaan ka raadiyo maka helayaa mise wa local ku kooban puntland oo kaliyah fadlan jwb
18.06.2013calli33@hotmail.com

cali

waa ilahay mahadii mar hadii caawa aan daawanayno tvgii an sugayney oo uu kababanayo calanka puntland waana balan qaadkii xukuumada hada tala da haysa ee dr faroole guul viva puntland
18.06.2013ahmed_2@hotmail.com

ahmed

aad iyo aad ayaan ugu mahad celinaynaa wariyaasha iyo tvga qaranka puntland waxanan kafilaynaa bar naamijyo kashee kaynaya hurumarka iyo nabad galyada wadan keena puntland sidookale wasaarada war faafinta qaranka puntland iyo dhamaan hawl wadeenada qarankaba waan salamyaa hanbalyo hanbalyo hanbalyo
POST A COMMENT
Captcha

[top]