Friday, January 9, 2026
spot_img
HomeCaalamkaMareykanka oo u yeeray safiirradiisa jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Mareykanka oo u yeeray safiirradiisa jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Maamulka Madaxweyne Donald Trump oo aan wax sharraxaad ah ka bixin, ayaa ku amray ku dhowaad 30 safiirro iyo diblomaasiyiin sar-sare oo kala joogay caalamka inay xilalka ka degaan oo ay dib ugu laabtaan Maraykanka.

Iyadoo la raacayo siyaasadda Trump ee “America First” diblomaasiyiintan ayaa lagu eedeeyey in aysan qeyb ka noqonin wax ka badalka xiriirka wadamadaas la leeyihiin maraykanka.

Ilo ku dhow go’aanka dowladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ku dhowaad 30 diblomaasi qadka telefoonka loogu sheegay in ay ka iskaga soo tagaan wadanka ay joogaan, kuna laabtaan Washington, iyada oo aan wax sabab ah loo sheegin.

Dadka ay arrintani saameysay waxaa ka mid ah Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, oo ah diblumaasi xirfadeed oo xafiiska la wareegay bishii May 2024.

Farriintan oo ahayd mid degdeg ah oo aan meel dayin ayaa gaartay safiirrada Arbacadii toddobaadkii hore, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments