Wednesday, January 7, 2026
spot_img
HomeDunidaTaliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Asad Osman Abdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Asad Osman Abdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Turkiga

Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Asad Osman Abdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Turkiga oo uu hogaminaayo Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Turkiga ah Ünsal HAYAL iyo saraakiil kale oo kasocdo safaarada Turkiga ee Somaliya.

Kulanka ayaa looga Wada hadlay Xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada Boolis ee Somalia iyo Turkiga iyadoo Saraakiisha Turkidu ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan taagerada iyo tababarada ay siiyaan Booliska soomaliyeed gaar ahaan Ciidanka Haramcad.

Gabo-gabadii Taliyaha Booliska Dalka S/G Asad Osman ayaa u Mahad-celiyey wafdiga Turkida isagoo uga mahad-celiyay Booqashadooda ay ku imaadeen Dalka.

Dunida Online

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments