Maxaa Shirka Kismaayo ka soo bixi kara?
“Qodobbada ugu waaweyn aan is leeyahay way ka soo bixi doonaan waa in si guud loo qeexo mabaadi’da guud ee doorashada ee ay u weyn tahay in doorashada wakhtigeedii rasmiga ahaa lagu qabto, in doorasho dadban oo loogu dhawaanayo dimuqraaddiyadda la aado.
Lama aadi doono sharraxaad badan “details” baan is leeyahay maaddaama fursad la siin doono dawladda federaalka in uu miyirqabku u soo laabto. Waxay u badan tahay in muddo cayiman la siin doono Madaxweynaha si uu miiska wadahadalka ugu soo laabto.
Madaxweynaha federaalka waxa u wanaagsan inta uu muddoxileedka haysto in uu kursiga hadalka ku soo laabto, si uu talada, wadaxaajoodka iyo qaabdhismeedka doorashada qayb uga ahaado.
Haddii se ay dhici waydo, waxa dhici doonta in uu labada doorashaba seegi doono. Tan tooska ah iyo tan dadbanba.
Hab-dhismeedka waxa u badan tahay in la qaadan doono kan xogheynta, kaas oo noqon doona unug isku xira maamul-goboleedyada iyo hay’adaha samatabixinta”. W/Q Siyaasi Abdirihman Dhuxul



