Friday, January 9, 2026
spot_img
HomeCaalamkaMaxay Soomaaliya ka faa'iideysaa inay mar kale hoggaanka u qabato Golaha Ammaanka...

Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa inay mar kale hoggaanka u qabato Golaha Ammaanka ee QM?

Billowga sanadka cusub Soomaaliya waxa ay u tahay guul taariikhi ah, iyada oo hoggaanka u qabanayso Golaha Ammaanka Qarmada Midoobey, waxaana muddo bil ah ay hoggaanka u haynaysaa kursiga wareega ee golahaasi.

Soomaaliya ayay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, iyada oo dalkan muddo ku dhow 35 sano uu la daalaa dhacayay burbur iyo dagaallo.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka QM ayaa mas’uul ka ah hoggaanka golaha, waxaa isku badbaddala hoggaanka 15ka xubnood ee golaha, iyaga oo dal walba uu hoggaanka qabto muddo bil ah taasi oo soo socotay tan iyo 1946.

Dalka madaxweynaha ka ah golaha muddada bisha ah ayaa hoggaamiya isku-dabaridka tallaabooyinka shaqo ee muddada bisha ah, waxa uu go’aamiyaa siyaasadaha lagu kala aragti duwan yahay, waxaana mararka qaar uu u shaqeeyaa madaxweynaha sida diblomaasi dhexdhexaad ka ah laba kooxood oo kala aragti duwan.

Markii ay Soomaaliya kursiga hananaysay waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments