Reer Puntland & 100 Sano Kadib (Puntland -2026)
Abdi Faarax Siciid (Juxa)
CABDI FAARAX SICIID (JUXA)
Deegaannadan ay ku dhisantay Puntland waxa ay 100-kii sano ee u dambeysay soo mareen baaxaa-deg dhaqan-dhaqaale iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Boqol sano ka hor waxaa dumay saldanadihii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimo-doonka ahaa ee gobolka.
Sannadkii 1920-kii, Ingiriisku wuxuu burburiyey dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Saldanadii Warsangali ee uu hoggaaminayay Suldaan Maxamuud Cali Shire ee Gobolka Sanaag, kadib markii la duqeeyey xarumihii Daraawiishta ee Mirishiiyo Taleex. Suldaan Maxamuud Cali Shire, Ingiriiska ayaa ku xiray Jasiiradda Seychelles, halka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu ku dhintay Iimeey (Galbeedka Soomaalida) oo uu u qaxay sannadkii 1921-kii.
Sannadihii 1925-kii iyo 1927-kii, Talyaanigu wuxuu burburiyey Saldanadii Hobyo (Mudug) ee Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid iyo Boqortooyadii Majeerteeniya ee Baargaal (Boqor Cismaan). Suldaan Cali Yuusuf wuxuu Talyaaniga isku dhiibay 1925-kii, Boqor Cismaan-na wuxuu isu dhiibay 1927-dii. Labaduba iyagoo maxaabiis ah ayaa Xamar laga dejiyey. Waxaa xilligaas iyaguna Itoobiya firxad ahaan isugu dhiibay: Cumar Samatar (Taliyihii ciidamada Suldaan Cali Yuusuf), Xirsi Boqor (Taliyihii ciidamada Boqor Cismaan), iyo Abshir Dhoore (Taliyihii ciidamada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan). Saddexdaas taliye midna dib uma soo laaban.
Intii u dhaxaysay 1920 ilaa 1927, saldanadihii gobolka waxaa ku dhacay waxyeelo weyn oo isugu jirta dil, qax, burbur magaalooyin, iyo hanti-lumbid. Waxaa si dhab ah isku beddeshay noloshii gobolka, waxaana baxay magicii (Gaari-waa) ee gobolkaan ka dhigay mid go’doonsan. Waxaa burburay ganacsigii iyo noloshii dadka, waxaana loo qaxay Koonfur, Itoobiya, iyo Yemen. Jabkaas taariikhiga ah waxaa qayb weyn ku lahaa damacii, loolankii, iyo khilaafkii u dhexeeyey hoggaankii xilligaas, kuwaas oo gabay iskaashi dhexdooda ah iyo in ay la yimaadaan farsamo ay kula macaamilaan gumeystaha. Dareen waddaninimo oo dhiirran iyo damac qofeed ayaa labaduba sabab u noqday dumitaanka xadaaradahaas.
Muddo yar ka dib, kooxdii Koonfurta Soomaaliya u qaxday waxay sameysteen nolol cusub. Waxay kaalin hormuudnimo oo firfircoon ka qaateen dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ahaa iyo aasaaskii ururkii SYL ee 1945-kii. Xubnihii muhiimka ahaa ee ururkaas ee gobolladan Puntland dhistay ka soo jeeday waxaa ka mid ahaa:
Sayidiin Xirsi Nuur
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmarke
Daahir Xaaji Cismaan Sharmarke
Cali Xasan Maslax (Berduuro)
Waxa kaloo ay hormuud ka noqdeen dowladdii daakhiliga ahayd ee Cabdullaahi Ciise, 1956-kii, iyo xornimadii iyo midnimadii Soomaalida ee 1960-kii curatay. Waxa ay, sidoo kale, kaalin firfircoon kaga jireen dowladihii rayidka ahaa ee 1960-1969. Inkasta oo xilligaas dowladnimadu cusbayd, fursaduhuna yaraayeen, haddana filitaanka Maandeeq (dowladnimada) aad ayuu u sarreeyey. Xukuumadahaasi ma ahayn kuwa eed iyo eex la’aan ah. Inkasta oo ay ahaayeen xukuumado rayid ah oo dimuqraadi ah, haddana waxaa isla markiiba lagu dhuftay shaabadda qabiilka iyo musuqa, waana midda ay askartu uga faa’iideysteen afgambigii 1969-kii. Waxaa kale oo afgambiga askarta fududeeyey tartan hoose, damac qofeed, iyo qaybsanaan la mid ah tii jiilkii iyaga ka horreeyey.
Xilligii Kacaanka iyo Dagaaladii Sokeeye
Sannadihii 1900-1969, oo isugu jiray halgan gobonimodoon iyo dowlado rayid ah oo dimuqraadi ah, ayaa afgambigii 1969-kii ee askartu soo afjaray, waxaana Soomaaliya u bilowday bog kale oo xanuun badan. Waa bog isugu jira 21 sano oo xukun askareed ah, jabhado, dagaal sokeeye, iyo burbur buuxa oo dowladnimo. Markii 1991-kii dalka dhulka lagu dhuftay oo lagu kala yaacay, waxaa ku xigay 10 sano oo ay Soomaalidu saaxadda adduunka ka maqnayd (1991-2000), oo aysan jirin cid magaca Soomaaliya matalaysay. Boggii madoobaa ee ay askartu fureen 1969-kii, oo maanta laga joogo 57 sano, weli Soomaaliya kama soo kaban. Weli Soomaalidu way kari la’dahay inay boggaas xanuunka badan xirto, boogaha dhayato, oo ay dowladnimo iyo midnimo la isku raacsan yahay dhisato. Afgambiga askartu wuxuu noqday mid wada dumin ah.
Dadka Reer Puntland waxay noqdeen kuwii uu dubbaha kacaanku durbadiiba ku dhacay. Waxaa loo aaneeyey dowladihii rayidka ahaa ee la afgambiyey oo lagu eedeyn jiray musuqa iyo qabiilka. Ilgaar ah ayaa markiiba lagu eegay, waxaana la saaray cadaadis dheeraad ah. Ganacsatadii iyo aqoonyahannadii ka soo jeeday Puntland ee Koonfurta ku noolaa, badankoodu waxay u guureen Bariga Afrika. Markii 1978-kii ay saraakiil Reer Puntland u badani sameeyeen isku-day afgambi ciidan oo fashilmay, xaaladda gobollada Puntland ayaa sii xumaatay.
Waxaa sameysmay mucaarad hubeysan oo toos uga hor yimid xukuumaddii milatariga ahayd. Waxaa lagu dhawaaqay ururkii SSDF sannadkii 1979-kii kaas oo noqday mucaarad toos ah, waxayna xarumo ka furteen Itoobiya, Cadan (Yemen), Suuriya, iyo Liibiya, halkaas oo ay ka helayeen gacan ciidan iyo mid siyaasadeedba xilligaas. Waxaa gobollada Mudug, Nugaal, iyo Bari ka bilowday gabood-fallo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen dil, xarig, dhac, kufsi, iyo duminta berkadaha. Dhanka kale, waxaa sannadkii 1988-kii duqeymo loo geystay gobolladii Waqooyi (Somaliland), taas oo sababtay qax, barakac, iyo burbur xoog leh. Waxaa iyana abuurmay ururo kale oo mucaarad hubeysan ah oo ay ka mid ahaayeen SNM (1981) iyo USC (1989), taas oo ugu dambeyn keentay in 1991-kii dalku burburo, lana galo dagaal sokeeye iyo gooni-isu-taagga Somaliland.
Markaas ka dib, Reer Puntland waxay ku soo urureen deegaankooda. Dadkii ka soo jeeday gobollada maanta loo yaqaan Puntland ee illaa 1925-kii ku qulqulayay Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa iyaga oo cago-cad dib ugu soo qaxay dhulkii ay asal ahaan ka soo jeedeen. Mar kale ayaa bog cusub laga bilaabay eber. Dekedda Boosaaso iyo jidka dheer ayaa noqday meesha kaliya ee Soomaali u baxsatay markii dekadihii kale ee dalku xirmeen dagaalka sokeeye awgiis.
Maalintaas ka dib, dalku wuxuu u kala jabay saddex qaybood:
Somaliland oo go’itaan ku dhawaaqday 1991.
Koonfurta oo gashay xaalad dagaal sokeeye iyo hoggaamiye-kooxeedyo.
Gobollada Mudug, Nugaal, iyo Bari oo looga dhawaaqay maamul-hoosaad loo yiqiin Gobollada Waqooyi Bari (NER), kaas oo uu madax u ahaa Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo hoggaaminayey SSDF-tii labaad ee gudaha.
Madaxdii xilligaas ee Waqooyi Bari waxay adduunka ku qanciyeen in aysan Soomaaliya Waqooyi iyo Koonfur kaliya ahayn, balse ay jirto meel kale oo nabad ah maamulna ka dhismay. Waxaa la dhisay Goleyaal Deegaan, Guddoomiyeyaal Gobol iyo maamul dhexe oo leh Gole Dhexe, Guddi Fulineed iyo Talisyo ciidan. Inkasta oo gobollada Puntland ay dowladdii Kacaanka ka tirsanayeen tabashooyin iyo tacaddiyo badan, haddana mar walba waxaa ku weynaa Soomaalinimada iyo baadi-goobka dowladnimo Soomaaliyeed.
Waxaa bilowday dood adag oo ah in maamul gaar ah la sameysto iyo in Soomaaliya la sugo, taas oo loo kala baxay. Shirar iyo doodo badan oo gudaha ah ayaa dhacay, waxaana la go’aansaday in marka hore Soomaaliya la baxnaaniyo. Waxaa shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah lagu qabtay Itoobiya, Jabuuti, iyo meelo kale. Ugu dambeyn, shirkii Qaahira (Masar) ayaa quusiyey riyadii Reer Puntland ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Iyadoo lagu ballansan yahay in shir dib-u-heshiisiin ah lagu qabto magaalada Boosaaso, ayaa ay Dowladda Masar si lama-filaan ah shirka ugu wareejisay Qaahira, 1997-kii. Shirkaas waxaa ka soo baxay go’aan ay Masaaridu riixaysay oo ahaa in Xuseen Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ay noqdaan madaxda Soomaaliya. Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Jeneraal Aadan Cabdullaahi Nuur (Gabyow), oo aysan qorshaha Masaaridu u cuntamin, ayaa arrintii ka hor yimid shirkiina isaga baxay, taas oo dadajisay dhismaha Dowladda Puntland oo lagu dhawaaqay 1-dii Ogosto, 1998.
Waxaa halkaas ku soo afjarmay 8-dii sano ee sugitaankii iyo baxnaaninta Koonfurta Soomaaliya. Saddexdii gobol ee Waqooyi Bari, Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ayaa lagu aasaasay Dowladda Puntland. Puntland waxay ku dhisantay falsafad ah inay noqoto maamul ka shaqeeya danaha dadkiisa, iyo in la raadiyo dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, si aysan mar kale taladu meel qura iyo gacan qura ugu ururin. Waxaa la dhisay dowlad leh Gole Wakiillo oo ka kooban 66 xubnood, kaas oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xaaji Madaxey, iyo Gole Xukuumadeed oo ka kooban 9 wasiir oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne Ku-xigeen Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, iyo Hay’adda Garsoorka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xaaji Nuur. Dhismaha Puntland wuxuu noqday mashruucii ugu muhiimsanaa uguna wax-tarka badnaa ee ay dadka Reer Puntland sameystaan. Waxaa lagu helay amni, xasillooni iyo adeeg bulsho. Puntland waxay kaloo kaalin hormuudnimo ka qaadatay baadi-goobka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Shirkii Carta, Jabuuti (2000)
Ka dib 10 sano oo ay Soomaaliya saaxadda adduunka ka maqnayd, ayuu Ismaaciil Cumar Geelle shir Soomaalida ugu qabtay magaalada Carta, Jabuuti (2000). Waxaa Carta lagu dhisay xukuumaddii ugu horreysay oo la baxday Dowladdii Ku-Meel-Gaarka ahayd (Transitional National Government – TNG), taas oo saldhig looga dhigay nidaamka qabiilka ee 4.5. Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galayr iyo Cabdalle Deerow oo horay uga tirsanaa dowladdii Kacaanka ayaa madax loo doortay, iyadoo la filayay inay wax dhiraan-dhirin karaan. Inkasta oo aysan TNG-dii Cabdiqaasim iyo Cali Khaliif wax weyn qaban, haddana waxay cod iyo matalaad u noqdeen Soomaaliya markii ugu horreysay ilaa 1991-kii. Dowladdaasi aqoonsi iyo is-garab-taag caalami ah midna ma helin, waxayna yeelatay mucaarad gudaha ah oo xoog leh. Shirkii Carta wuxuu ku salaysnaa in la isku keeno bulshada rayidka ah, balse saameyn weyn kuma lahayn dhinacyadii hubeysnaa ee talada isku hayay. Puntland kama qayb-gelin shirkii Carta, waxayna hormuud u noqotay mucaaradkii Carta-diidka ahaa.
Shirkii Mbagathi, Kenya (2004)
Iyadoo muddo-xileedkii TNG ee Cabdiqaasim iyo Cali Khaliif uusan weli dhammaan, ayaa shirar doceedyo ka bilowdeen Kenya. Shirarkaas waxaa hormuud ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo xulufadiisii siyaasadeed ee Koonfurta, waxaana taageerayay dalalka gobolka sida Kenya iyo Itoobiya. Labo sano oo dood adag ah ka dib, waxaa Mbagathi ka dhalatay dowladdii labaad oo la baxday (TFG 1). Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Madaxweyne loo doortay, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cali Maxamed Geeddina waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare. Waxaa lagu dhisay Axdiga Federaalka (Charter), dowlad baarlamaani ah, iyo wax-qaybsigii 4.5 ee shirkii Carta.
Dowladda markiiba waxaa ka hor yimid mucaaradkii Islaamiyiinta ee Maxkamaduhu hor-kacayeen. Guddoomiyihii Baarlamaanka ayaa isna dowladda mucaarad ku noqday, waxaana sameysmay isbaheysigii ARS ee Asmara oo ay ku mideysnaayeen Maxkamadihii, xubno baarlamaan iyo siyaasiyiin mucaarad ah. Dowladda oo ku qasbanayd inay Kenya ka guurto ayaa la kulantay caqabad ku aaddan meeshii ay degi lahayd. Jowhar oo uu xukumayay Maxamed Dheere, kana soo jeeday beesha Ra’iisul Wasaare Geeddi, ayaa martigelisay dowladda si ku-meel-gaar ah, Luulyo 2005. Muddo yar ka dib Maxamed Dheere iyo Cabdullaahi Yuusuf waa isku dhaceen, waxayna dowladdu u guurtay Baydhabo bishii Febraayo 2006. Xilligaas Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka badbaaday isku-day khaarajin ah, xilli uu ka soo baxayay xarunta baarlamaanka.
Maxkamaduhu weerarro badan ayey ku soo qaadeen dowladda iyo fadhigeedii Baydhabo. Dagaalo qaraar ayaa ka dhacay Iidaale iyo Mooda-Moode oo hoostaga Degmada Buurhakaba. Ugu dambeyn Maxkamadihii waa jabeen, waxayna isaga baxeen Muqdisho, 6-dii Janaayo 2007, dowladda ayaa si rasmi ah u gashay Xamar, waxayna fariisin ka dhigatay Villa Soomaaliya markii ugu horreysay, 16 sano ka dib.
Disembar 29, 2008, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkii madaxweynenimo, ka dib markii uu xoogeystay khilaafkii xukuumaddiisa iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde), cadaadiskii isbaheysiga Asmara, beesha caalamka, iyo xaaladdiisa caafimaad oo sii xumaaneysay. Maalintaas, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka dhabeeyey mid ka mid ah ballan-qaadyadiisii maalintii xilka loo dhaariyey (Oktoobar 2004) oo ahayd: “Saddex midkood ayaad igula xisaabtami doontaan: in aan shaqada sidii la iigu dhiibay u dhameeyo, in aan ku dhinto anoo ku guda jira, iyo in aan dib idiinku soo celiyo.” Maalintaas wuxuu baarlamaanka hortiisa ka sheegay inuu taladii dib ugu soo celiyey, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo isagoo muddo-xileedkiisu weli dhiman yahay is-casila.
Shirkii Jabuuti (2009)
Markii uu is-casilay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaa mucaaradka dowladda shir uga socday Jabuuti. Waxaa halkaas ku gorgortamayey garabkii ARS ee Asmara oo uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo garabkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Nuur-Cadde oo uu hoggaaminayay Axmed Cabdisalaan oo ahaa Wasiir. Waxaa lagu heshiiyey in 250 xildhibaan oo dheeraad ah la siiyo garabkii ARS, waxaana madaxweyne loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxii mucaaradka ARS. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la gaarsiiyey in ka badan 500 oo xildhibaan, taas oo ahayd dhibaatadii labaad ee siyaasadda Soomaaliya lagu soo kordhiyey (dhibaatada koowaad waxa ay ahayd nidaamka 4.5). Waxaa si toos ah oo aan gabasho lahayn 250 xildhibaan loogu abaal-mariyey kooxdii Islaamiyiinta mucaaradka ahayd.
Haddaba, maxaa u qabsoomay xukuumaddii TFG 2 ee Sheekh Shariif? Waxaa la oran karaa xukuumaddii Sheekh Shariif waxay waddada saxda ah ku sii wadday dowlad-dhiskii cusbaa ee Soomaaliya. Waxaa la qabtay shirar doceedyadii Dastuurka ee Garoowe 1 iyo 2, hannaankii dib-u-heshiisinta waa xoogeystay, aftidii koobneyd ee Dastuurka KMG ah ayaa la ansixiyey, waxaana markii koowaad doorasho lagu qabtay dalka gudihiisa (Muqdisho). Intaas oo dhami waxay ahaayeen tallaabooyin muhiim ah. Wadaadkii Maxkamadaha ee kursiga loo farsameeyey wuxuu Soomaalida ugu muuqday nin niyad-wanaagsan, mideeye ah, oo boogaha dhaya. Shirkii Carta (2000), Mbagathi (2004) iyo Jabuuti (2009) dhammaantood waxay u socdeen jiho sax ah, waxayna ku suntanaayeen dib-u-heshiisiin, federaaliisam iyo dowlad-dhisid tartiib ah.
Dowladihii FGS 1, 2, iyo 3 (2012–2026)
Sannadkii 2012, doorashadii ugu horreysay ilaa burburkii ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana lagu doortay Xasan Sheekh Maxamuud (XSM), oo aan siyaasadda horay loogu aqoon balse ka mid ahaa kooxihii Islaamiyiinta. Rajada dowladnimada ayaa aad u korortay, waxaana dalku ka baxay xilligii ku-meel-gaarka, taas oo farxad weyn gelisay shacabka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa markiiba soo shaac baxday siyaasadda XSM oo Dastuurka qabyada ah ka horyimid kana horyimid dhismihii Jubaland ee Kismaayo. Waxaa soo baxday inuu diiddan yahay Dastuurka iyo hannaanka Federaalka. Waxaa si hoose loo beddelay qodobbo ka mid ah Dastuurka, gaar ahaan maqaamka caasimadda, taas oo muran abuurtay. Xukuumaddiisu waxay cadaadis xooggan saartay Puntland, gaar ahaan mashaariicda iyo waxbarashada. XSM wuxuu si degdeg ah u dhisay Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, isagoo adeegsanaya falsafad federaal-wiiqid ah. Xiriirkii Dowladda Puntland (oo uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole) iyo dowladda dhexe ayaa xumaaday. XSM iyo xukuumaddiisu waxay ku caan baxeen ku dhaqan la’aanta Dastuurka, awood isku koobid, iyo hufnaan la’aan.
Sannadkii 2016 (FGS 2), waxaa la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo muujiyey waddaninimo, balse markii dambe u weecday dhisidda dowlad dhexe oo xooggan oo wiiqeysa nidaamka Federaalka. Wuxuu afgambiyey madaxdii maamul-goboleedyada sida Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, wuxuuna cadaadis weyn saaray Jubaland. Puntland ayaa markale difaac u noqotay nidaamka Federaalka, xiriirkii dowladda dhexena waa istaagay ilaa waqtigiisu ka dhammaaday.
Sannadkii 2022 (FGS 3), Soomaalida ayaa dib u dooratay Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo rajo ka qabay inuu saxo khaladaadkiisii hore. Nasiib-darro, wuxuu mar kale caddeeyey diidmadiisa nidaamka Federaalka iyo awood-wadaagga. Wuxuu wax ka beddelay Dastuurka Federaalka iyo midka dowlad-goboleedyada isagoo aan marin habraac sharci ah. Awooddii oo dhan wuxuu ku ururiyey gacantiisa, wuxuuna dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba la galay Puntland iyo Jubaland. Dowladdiisa waxaa soo haray eedeymo musuq-maasuq, eex, iyo hanti-boob, taas oo burburisay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Federaalka ahayd ee muddo 25 sano ah la dhisayay. Qodobadii lagu heshiiyey dagaalkii sokeeye ka dib ee ahaa: Dastuur Federaal ah, Baarlamaan Labo-Aqol ah, Awood-qaybsi, iyo Doorasho 4-tii sanaba mar dhacda ayaa mugdi galay. Maanta, Somaliland oo iyadu hore gooni ugu istaagtay waa ay sii fogaatay, waxaana bilowday aqoonsigeeda. Nidaamkii Federaalka ee Puntland hormuudka u ahayd waa wiiqmay, Koonfurta Soomaaliyana waxay ku dhacday gacan dowlad dhexe oo Xamar laga xukumo. Waxaa dib loogu noqday saddexdii aragtiyood ee la galay 1991-kii.
Gunaanad iyo Talo-bixin
Puntland waxaa maanta u furan inay mar kale dib u qaabayso qorshaheeda siyaasadeed. Waa inay saxdaa wixii ka khaldamay gudaheeda 28-kii sano ee la soo dhaafay, noqotaana maamul tusaale togan u noqon kara dowlad-dhiska Soomaaliya. Hadafkeeda istiraatiijiga ah waa inuu noqdo madax-bannaani maamul (Autonomy) si ay danaheeda ugu ilaaliso haddii Soomaaliya gasho gacan dowlad-dhexe oo keli-talis ah. Si ay taasi u hirgasho waa in Puntland:
Adkayso amniga iyo wadajirkeeda gudaha.
Dhisto ciidan xoog leh oo suga badda iyo berrigaba.
Kobciso dhaqaalaheeda iyo kaabayaasha.
Dhammaystirto hannaanka dimuqraadiyeynta iyo maamul-wanaagga.
Siiso garsoorkeeda madax-bannaani dhab ah.
Xoojiso xiriirka qurba-joogta iyo in ay wakiillo u dirto dalalka caalamka.
La dhaqanto deriskeeda si nabad iyo iskaashi ah.
Si taxadar leh u maarayso arrimaha Maamulka Khaatumo iyo xiriirka Somaliland.
Kobciso xiriirkeeda dublamaasiyadeed ee dalalka gobolka (Itoobiya, Kenya, Jabuuti) iyo caalamka (UAE, Maraykanka, UK, EU).
Puntland iyo Arrimaha Federaalka
Si wax looga beddelo fahamka khaldan ee dowladda dhexe ka qabto doodda Puntland, waxaa furan in:
Puntland miiska keento nidaam Isku-tag ah (Confederalism) oo dammaanad sharci ah siinaya maamullada, kana hortagaya kali-talisnimo iyo in awooddu isugu tagto gacan qura.
Awoodaha Dowladda Dhexe lagu koobo inta lagu heshiiyo oo kaliya.
Nidaamka ‘Confederal’-ku wuxuu meesha ka saarayaa nidaamka 4.5, wuxuuna furayaa doodda maqaamka caasimadda iyo helitaanka fursado siman.
Haddii la diido, Puntland waxay u bareeri kartaa qodobka go’itaanka iyo madax-bannaanida oo salka ku haya Dastuurkeeda (Qodobka 4aad, Farqadaha B iyo T).
Puntland waa in ay go’aan kasta ka samayso wadatashi ballaaran.
Qaladkii ugu weynaa ee jiilashii 1920-yadii iyo 1960-yadii wuxuu ahaa damac shakhsi iyo khilaaf dhexdooda ah oo lumiyey fursadihii jiray. Jiilka siyaasadda ee maanta jooga waa inay ka feejignaadaan damacaas iyo khilaafkaas.

